Daawo Sawirrada: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Xalay La Damaashaaday Reer Puntland.

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay sanad-guuradii ee ka soo wareegatay markii C/wali Maxamed Cali (Gaas) loo doortay Madaxweynaha Puntland oo ku beegan 8-da Janaayo.

Munaasabadda oo xalay ka dhacday magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Puntland, Kuxigeenkiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Ra’iisul Wasaarayaal hore, Wasiiro, xildhibaano, odayaal dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadleysay horumarka Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in labadii sano uu xilka hayay ay u qabsoomeen waxyaabo badan, isagoo xusay in Puntland guul ka gaartay, dhinacyo badan, horumaro badan ku tallaabsatay, waxaa uu tilmaamay in labada sano ee soo socota uu rajeynayo in wejiga Puntland uu bedelo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Puntland ay guul ka gaartay dhinaca siyaasada, isagoo xusay in aragtida shacabka Puntland ee doorashada 2016 ay tahay hal qof iyo hal cod, isla markaana aanay muhiim aheyn in dib loogu noqdo nidaamkii 4.5

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha Puntland, isagoo ku ammaanay waxyaabihii u qabsoomay iyo horumada ka jira deegaanada Puntland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dheeraaday Sooyaalka Puntland iyo doorkii ay kaciyaartay helitaankii dawlad soomaaliyeed oo markale cageheeda isku taagta, isagoo ugu baaqay maamulada kale ee dalka ka jira inay kaga daydaan shacabka Puntland isku duubnida iyo midnimada ay gaareen.

punt1 punt2 punt3 punt4 punt5 punt6 punt7 punt8

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media