DAAWO SAWIRADDA : Madaxweyne Xasan Shiikh maxamud Oo Dib Ugu Laabtay Muqdisho.

0

Madaxweynaha Somaliya iyo wafdigiisa ayaa Ka Amba baxay Magaaladda Dhaqaalaha Puntland ee Boosaso.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyoguddomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi  ayaa Waxay Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso International Airport kusii sagootiyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo u amba baxay magaalada Muqdisho.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa inta uu ku sugnaa magalada Bosaso waxa uu ka qayb galay xaflada furitaanka Airport-ka Bosaso, xafladda labo sano guuradda xukumadda Gaas sidoo kale waxa uu saaka inta uusan ka dhoofan magalada tagay Jaamacadda Bariga Africa, halkaasoo uu ka jeediyay khudbad xagga waxbarashada iyo mustaqbalka dhalinyaradda ku wajahan.

Madaxwaynaha Dalka waxa uu Puntland ku tilmaamay hooyadda federaalka Soomaaliya, sidoo kale waxa uu ammaanay dadaalada horumarka ee magaalooyinka ka socda, furitaanka garoonka diyaaradaha ayuu ku tilmaamay inuu hordhac u yahay horumarka ay Soomaaliya gaartay.

Ugu danbeynna Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheikh maxamud ayaa Dib Ugu Laabtay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka somaliya.

Daawo sawiradda :

IMG_7753 IMG_7764 IMG_7768 IMG_7770 IMG_7775 IMG_7803 IMG_7808 IMG_7812 IMG_7819 IMG_7824 IMG_7829 IMG_7833 IMG_7835 IMG_7838 IMG_7842 IMG_7846 IMG_7848 IMG_7851 IMG_7857 IMG_7868