DHAGEYSO: R/wasaarihi hore Cabdiwali Sheekh Axmed ”Muqdisho Waxaa Lagu Bililiqaystaa Wax Kasta Oo Soomaali Wada Lahayd”.

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Gudoomiyaha madasha midnimada iyo dimuqraadiyada Soomaaliyeed Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa markii ugu horeysay ka hadlay boobka iyo bililiqaysiga ka jira Xamar.

Cabdiweli Sheikh Axmed Maxamed oo ka hadlayay kulan uu la qaatay dhalinyarada Puntland ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lagu bililiqaystay wax kaste oo ka dhaxeeyay ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan idiin sheegaynaa Xamar waxaa ka jiray intaan ahaa raysal wasaaraha shan kun oo ururo dhalinyaro ah oo mid kasta uu leeyahay waxaanu nahay ururka dhalinyarada qaranka Soomaaliyeed, waligoodna ma aysan soo dhaafin Boondheere iyo Kaaraan. Marka koox walba waxbay boobday. Qaar waxay boobeen magacii ummadda u dhexeeyay.

Qaar guryiihii iyo hantidii qaranka ayay bililiqaysteen,qaarna kalena waxay bililiqaysteen wax alle waxii magac ahaa ee ururada oo dhan.” ayuu yiri raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Isku soo wada duuboo khudbada R/wasaarihi Hore ee Somalia Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa waxaa aad uga carooday shacabka iyo madaxda magaalada Muqdisho iaygoo sheegay in uu yahay hadalkaas mid gaf ah oo uu ku hadlin nin mas’uul qaran ahaa.

Hoos Ka Dhageyso

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media