Wakiilada Xawaaladaha Denmark Oo Qaada Qidmad $9% Oo Aan Sharci Ahayn, Halka Wakiilada Kale Ee Caalamka Qaadaan Qidmad $5% .

0

Waxaa isa soo taraya wararka cabashada ah ee naga soo gaaraya Jaaliyadaha Soomaalida ee magaalooyinka waa weyn ee dalka Denmark sida Copenhagen, Aarhus, Aalborg, Odense kuwaa oo sheegaya in ay dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaas ay aad uga biyo diidan yihiin lacagta qidmada ah ee $9 boqolkiiba ee ay qaadayaan Wakiilada Xawaaladaha taas oo ah mid aan sharci ahayn ayna socdaan qorshayaal lagu doonayo inay dadka sameyaan dibedbaxyo waa weyn.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa in Soomaalida ku nool magaalooyinka waa weyn sida Copenhagen, Aarhus, Aalborg, Odense ay wadaan qorshayaal iyo abaabul oo lagu doonayo in lagu sameeyo dibedbaxyo waa weyn oo looga soo horjeedo Qidmada cusub ee Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida.

Wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee xafiisyada ku leh caalamka oo dhan ayaa waxa ay ka qaadaan macaamiishooda doonaya inay Soomaaliya u dirsadaan lacagaha qidmad $5 boqolkiiba, halka Wakiilada Xawaaladaha Denmark ay ka qaadayaan macaamiishooda $7+$2= $ 9 dollar boqolkiiba.

Maxamed Saciid Faarax oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada caasimada ah ee Copenhagen ayaa waxa uu inoo sheegay in Jaaliyada magaaladooda ay ka dhamaatay dulqaadki ayna sameenayaan amaba qayb ka noqonayaa wax walba oo looga hortagayo lacagta qidmada ah ee laga dhigay $7 dollar boqolkiiba iyo $2 dollar ee wakiilada xawaaladaha ay ku sheegaan inay tahay lacagta sarifka.

Sidoo kale Xuseen Kaamil Cabdoow oo kamid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Aarhus ayaa isagana dhankooda waxa uu sheegay inay diyaar dhankooda u yihiin ka qaybqaadashada dibedbaxa looga soo horjeedo qidmada cusub iyo labada $ 2 dollar ee uu ku sheegay inay tahay Baad cad oo la caadeystay in laga qaado dadka masaakiinta ah.

Dhinaca kale sida wararka nasoo gaaraya sheegayaan waxaa dhankooda abaabul xooga ka wada Waxgaradka iyo Dhalinyarada Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Odense oo ay uga soo horjeedaan qidmada cusub iyo $ 2 dollar ee lagu sheego inay tahay sarifka oo aysan qaadin wakiilada Xawaaladaha Soomaalida ee dalalka caalamka.

Isku soo wada duuboo Mulkiileyaasha iyo Madaxada Xawaaladaha Soomaalida ee ay wakiiladooda ka howlgalaan Denmark ayaa illaa hadda ka hadlin xiisadan ka dhex taagan dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas iyo Wakiilada Xawaaladahooda.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media