TOP DHAGEYSO : Wasiirka Caafimaadka “Dhaqaale xumo awgeed ayay u socon la’yihiin qorshihii Wasaaradda”.

0

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dhaqaale xumo darteed ay u socon la’yihiin qorshihii Wasaaradda, iyadoo xustay in aan wali la sameynadeegyadii caafimaadka aas aasiga ee dalka oo dhan loogu baahin lahaa.

“Dhaqaale xumo darteed ayuu u socon la’yahay qorshihii Wasaaradda Caafimaadka howlaheeda ku socon siin laheyd waxyaabaha hada la qaban waxaa ka mid ah adeegii caafimaadka aas aasiga ee dalka Soomaaliyeed”ayay tiri Xaawo Xasan Maxamed oo u warameysa Idaacada VOA.

Wasiiradda ayaa sheegtay in dowladda aanay gacanta ku heyn dhaqaalihii caafimaadka, isla markaana Beesha Caalamka wali gacanta ku heyso, ayaa waxay xustay in hadii dhaqaalaha gacanta ku heyn laheyd ay sidan ka fiicnaan laheyd.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in aysan Wasaaradda Caafimaadka ay ka hortageyso ka ganacsiga daawooyinka dhacay ee dalka la soo geliyo, kaasoo dhibaato ay kala kulmaan dadka.

Ugu dambeyn Wasiirka Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka tan iyo markii loo magacaabay wax badan u qabsoomeen oo ay ka mid yihiin hagaaginta maamulka wasaarada.