TOOS U DHAGEYSO: Maleeshiyo Beeleedka Raaskanbooni Oo Macalin Dugsi Quraan iyo Sarkaal Ciidan Ku Dilay Kismaayo.

0

Maleeshiydda Beeleedka Raaskanbooni ayaa Dilay Saraakiil Ciidan oo ku jiray Xerada Madhamaato,kuna Taal  Duleedka Kismaayo,taas oo Shalay uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah.

Saraakiisha  ayaa la sheegay in lagala baxay Xerada kadibna la Toogtay.

Wararka Ay Heleyso AGGM ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in dadka la dilay uu ku jiro Macalin Dugsi Qu’raan sidaa waxaa Warbaahinta u sheegay Sarkaal lagu Magacaabo Xuseen Xasan Faarax oo Ciidamada Xoogga ka tirsan .

Xuseen Xasan Faarax ayaa Dowladda Soomaaliya ugu baaqay in Arrintaan ay wax ka qabato,hadii kale la dilayo Ciidamada kale ee haatan Xerada ku harsan.

Ilaa hada lama oga Tirada Saraakiisha la sheegay in lagu dilay Kismaayo,mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda somaliya.

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka