LIVE U DHAGEYSO WAREYSI : C/rashiid Gaas ” Axmed Madoobe Ayaa Qaraxa Ka Danbeeyay Oo Ciidamadda Jaamacada Ku Sugan Laayay+Wareysi Xasaasi Ah.

0

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Qaraxa Ismiidaaminta ay ku dhinteen inta la og yahay 10 Askari 30 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Qaraxa lala beegsaday ayaa waxaa ay ahaayeen kuwa Barre Hiiraale oo ku sugnaa Xarunta Jaamacada Ee Magaaladda Kismaayo.

Gaariga Qaraxa laga soo buuxiyay ee lagu Weeraray Xarunta Jaamacada Kismaayo ayaa la sheegay in uu ahaa NOHA.

C/rashiid Macalin Gaas oo u hadlay Ciidamada Qaraxa lala eegtay ee Col Barre Hiiraale ayaa sheegay in Ciidamada Axmed Madoobe ay Qarxiyeen Ayna Cadeymo uhayaan.

Cabdirshiid Gaas ayaa xusay in gaarigu uu soo dhexmaray Ciidamadda kenyanka ah ee iyaga ka horeeya saakana laga soo abaabulay Madaxtooyadda Horjoogaha maleeshiyada raaskanbooni Waa Axmed Madoobee.

DHAGEYSO WAREYSIGA AFHAYEENKA.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media