WAR DEG DEG AH: Faahfaahin 18 Dhimasho,Ninkii Ismidaaminta Fuliyey Oo Ka Mid Noqday Maleeshiyaadka Axmed Madoobe Ee Raaskambooni.

0

Kismaayo(AGGM) Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa daboolka ka qaaday weerarkii ismidaaminta ahaa ee ka dhacay Jaamacada Kismaayo halkaasi oo ay ku nafwaayeen Maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan kuwa Raaskambooni.

Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa daaha ka qaaday in inta la hubo ay geeriyoodeen in ka badan 18 askari oo Maleeshiyaadkooda ka tirsan,waxaana la sheegay in 30 ka badan ay ku dhaawacmeen,waxaana hadda Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni shaaciyeen inay adag tahay in la kala garto maydadka askarta weerarkani wax ku noqday iyadoo la sheegay in hilbahooda jarjarmeen.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyey in la gartey Askarigii Gaariga Noohada waday,waxaana Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Raaskambooni shaaciyeen inuu ka mid ah ciidamada Maleeshiyaadkooda,waxaana ay sheegeen inaysan wax tuhun ah ninkaasi ka qabin balse uu fekerkiisu qarsoonaa.

Dadka dhimashada ah waxaa ku jira saraakiil ka mid ahaa kuwa tababarayey Maleeshiyaadkaasi,waxaana wararku shaacinayaan in wararkaasi ahaa mid muddo la qorsheeynayeyn,waxaana lagu bartilmaameedsaday meeshi ay ku tababarayeen ciidamada Maleeshiyaadka Raaskambooni.

Dhaawacyo halis ah oo isugu  Hoos-Joogayaal iyo Maleeshiyaadka Raaskambooni ayaa ooo daabulay Isbitaalka Ciidamada Kiiniya ee Jaamacada Kismaayo iyo Isbitaalka Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegaya in qaarkood lagu wado in loo dhoofiyo Magaalada Nairobi maadama ay dhaawacyadoodu yihiin kuwo halis ah.

Ugu dambeyntii Maleeshiyaadka Raaskambooni waxaa hogaan u ah Horjooge Axmed Madoobe oo hore uga tirsanaan jirey Maleeshiyaadka Raaskambooni,waxaa xaqiiqo ah in Maleeshiyaad badan oo Raaskambooni ka tirsan ay qaybka yihiin Alshabaab kuwaasi oo gabood fal ka geystey gudaha Kismaayo.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media