TOP DHAGEYSO WAREYSI : Xildhibaan Shuuriye ” Beesha Caalamka Faraha Hakala Baxdo Siyaasadda Somaliya “

0

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka horyimid baaqa wakiilada bulshada caalamka ee ku baqayay in la joojiyo mooshinka oo ay ku tilmaameen inuu burburinayo dadaallada nabadda.

Xildhibaannadan ayaa sheegay in mooshinkan aanu waxba burburinayn, balse uu wax saxayo, islamarkaana ay ka go’an tahay inay sii ambaqaadaan howlaha mooshinka.

Maxamed Ismaaciil Shuuriye, oo ka mid ah xildhibaannada mooshinka keenay, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay faraha kala baxaan arrimaha dastuuriga ah oo ay xildhibaanada Soomaaliyeed ku ixtiraamaan howshooda.

XIldhibaanka oo la hadlay VOA, ayaa sheegay in mooshinkan uu muujinayo in sharciga Soomaaliyeed loo siman yahay, oo madaxweynuhuna uu ku jiro, haddii xadgudub uu sameeyana lala xisaabtamayo.

Waxa uu ku eedeeyey madaxweynaha in lagu haysto arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq iyo ku xadgudub dastuur.