TOP Qarax weyn oo ruxay dhismaha xarunta Ammaanka Qaranka Masar ee Qaahira

0

Qarax weyn ayaa lala eegtay dhisma Xarunta ammaanka Qaranka ee waqooyiga magaalada Qaahira, kadib markii baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay dhismaha agagaarkiisa uu ku qarxay.

Ugu yaraan lix askari ayaa ku dhaawacmay qaraxan ka dhacay degmada Shubra ee magaalada Qaahira, ma jirto cid ku dhimatay weerarkaas.

Qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoogan oo laga maqlay magaalada Qaahira oo dhan, iyadoo qaraxan uu bur buriyay daaqadaha guryaha ka ag dhow dhismaha xarunta ammaanka qaranka ee la beegsaday.

Waxaa la sheegay in nin waday gaariga uu dhigay ka soo horjeedka dhismaha xarunta ammaanka, dabadeedna uu ka booday gaariga, kuna baxsaday mooto dhug dhugley ah sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Ma jirto illaa iyo hada cid sheegatay, waxaase qaraxyo horay uga dhacay Qaahira sheegatay koox xiriir la leh Daacish, waxaana bil ka hor qarax weyn lala eegtay Qunsuliyadda Safaarada Talyaaniga ku laheyd Qaahira.

masar bombinmasar bombing