TOP DHAGEYSO:Farmaajo oo uga digay Madaxda dowladda inay muddo kororsi sameystaan

0

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa uga digay Madaxda dowladda inay sameystaan muddo kororsi marka la gaaro sanadka 2016,isagoo xusay in dowladdu ay ku fashilantay inay dalka gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah.

Farmaajo ayaa sheegay in dowladdihii hore ay dadaal badan u sameeyeen sidii KMG looga bixi lahaa, isla markaana aanan haatan la aqbali doonin muddo kororsi.

“Hadii ay isku dayaan inay waqti kororsi sameeyaan waxaa imaan doonta kacdoon aad iyo aad u weyn, waayo dowladda hada timid waxay ku timid tanaasulaad ay sameysay dowladdii KMG ah, anigoo shacabka ii banaan baxayaan ayaa waxaa naf hurnimo u sameysay in dalka ka baxo KMG, doorasho baa xamar lagu qabtay, Xasan Sheekh ayaa ku yimid, marka haddii uu ku fikiro wax ku darsasho waxay keeni kartaa in dib loo noqdo”ayuu yiri Farmaajo.

Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dhaq dhaqaaq siyaasadeed uu ku bilaabay waqooyiga Mareykanka, isla markaana uu dhowaan tagay magaalooyin ku yaalla Mareykanka oo uu dadka Soomaaliyeen ku abaabulayay, isla markaana uu bilaabay qaaraan qaran, oo dadka taageero ugu raadinayo dhaqaalena loogu uruurinayo.

Sidoo kale Farmaajo ayaa sheegay in todobaadyada soo socda uu ku soo wajahan yahay magaalada Nairobi, kadibna uu soo gudbi doono magaalada Muqdisho oo uu dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka bilaabi doono.

“Hada waxaa ku soo wajahanay Nairobi kadib Soomaaliya imaanayaa, Shaqada iyo wixii aan Mareykanka ka haayay ee Mas’uuliyad waa iga soo dhamaatay waana ka soo tagay, Siyaasada 2016 ayaa u soo tafa xeytay oo aan qeyb libaax ah ka qaato umadda aan kicino oo aan abaabulno u sheegno in fursada 2016 aanay ina dhaafin waqtigana ka faa’ideysano”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Beesha Caalamka ayaa horay u cadeeyay in aan la aqbali doonin muddo kororsi ay sameysto dowladda Federaalka, waxaana ay sheegeen in loo baahan yahay in nooc doorasho ah ay dhacdo sanadka 2016 oo ka duwan tii sanadkii 2012.

Hoos Ka Dhageyso