Dowlada Sweden oo dooneysa in dad badan kala noqoto ruqsada gaari kaxeynta

0

Dowlada Sweden ayaa qorsheynaysa in ay dib ugula laabato sharciga gaari wadista dalka Sweden iyo guud ahaan qaarada Yurub taasoo ay baaritaano ku heyso dadka la doonayo in dib loogalla laabto.

Iswiidhan ayaa ka mid ah dalalka qaarada Yurub oo uusan ka jirin sharci qasbaya in dadka da’da weyn ee kaxeeya baabuurta lagu sammeeyo baaritaano caafimaad.

saw

Habka Iswiidhen ee arrinkan lagu wajaho ayaa ah in dhaqaatiirta soo gudbiyaan warbixinta bukaanada ay u arkaan in aysan sii kaxeyn karin gaari, iyada oo warbixinta loo gudbinayo hay’adda maareysa arrimaha gaadiidka ee Transportstyrelsen taasi oo ka dib la noqota ruqasada kaxeynta baabuurta.

Hay’adda ayaa sannadkii aynu soo dhaafnay waxay kala noqotay dad gaaraya 2.500 ruqasada lagu kaxeeyo baabuurta, dadkaasi oo u badan dadka da’da ah.

Lars Englund oo ah madaxa caafimaadka ee Transportstyrelsen ayaa sheegay in tiradaasi aysan ku filneen isaga oo ka dhawaajiyay in dad gaaraya 25.000 oo qof lagu sammeeyo baaritaan cudurka xasuus dilaha ee demens yada oo in badan oo ka mid ah dadkani ay tahay in la gala noqdo ruqasada baabuur wadida.