TOP DHAGEYSO WAREYSI: Gudiga Amniga Cabudwaaq Oo Beeniyay Warar Been Abuur ah oo la isla dhexmarayay.

0

Gudoomiyaha oo la hadlayay Shabakadda Allgalgaduud ayaa waxqabadka Gudiyada u qobsoomay Dotobaadkii tagay kaga hadlay Arimaha Amniga, Horumarka, Xirrika Golaha dhaqanka iyo Gudiyada iyo qorshaha dhaw ee gudigu doonayay inuu wajaho Dhawaan.

Gudoomiyaha maruu ka hadlaay Amniga waxaa uu sheegay in Amnigu uu sugan yahay oo ay si buuxda u hanteen Ciidamaada u xilaaran amaanka Deegaanka iyadoo dadka iyo Ganacsigu ay ku soo laabteen sidii hore waxaana furmay Jidadkii iyo isu socodkii Xaafadaka kala duwan ee Degmada ku waasi oo yaraaday ka dib markii ay bateen shilalka ku salaysnaa Aanooyinka ee horay oga  jirtay Deegaanka.

“Waxaan Marqaati ka ahayn in maanta ay isu yimaadeen dad ku kala gabanayay Fawdadii oo isu yimid markii ay xaqiiqsadeen Amaanka iyo Nabada Deegaanka ka abuurantay waxaana furmay jidadka iyo goobo ganacsi oo horey u xirnaa Taasna Waxaa ku Mahadsan ALLAHA nasiiyay”

Gudoomiye Dhirif waxaa uu soo hadal qaaday  Talaabooyinka qorshaysan ee uu dhawaan qaadayo Gudiga u xilsaaran amaanka iyo ciidamada Amniga oo dhawaan bilaabi doonaan Hawlgal lagu wajahayo Gaadiidka Xiran Muraayadaha Madaw ee (Beensalka ah) waxaana sidoo kale ciidaamado ay fariisimo ama baro ay ku yeelan doonaan dhamaan jidadka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada si loo ogaado waxa imaanaya  degmada iyo kuwa baxaya.

“ Magaala Amnigeedu ma sugna hadaan gudaheedu la ogayn waxa imaanaya Waxaana muhiim naqotay wadooyinka magaalada soo gala oo kor u dhaafaya labaadan jid waxaa ciidamado ay dagi doonaan inta muhiimka ah si loogu koontaroolo dadka iyo gaadiidka banaanka oga imaanaya magaaalada”

Axmed jaamac Dhirif.
Axmed jaamac Dhirif.

Gudoomiyaha mar uu la hadlayay dadka u dhashay deeganada waqooyiga Galgaduud waxaa uu baaq u diray dhamaan dadka banaanka oga maqan degmada waxaana uu ugu baaqay in ay taageeraan Nabada iyo Horumarka deegaanka ka soo muuqday isagoona  ka codsaday Qurbajoogta in ay la socdaan Gudiyada shaqaynaya si ay u gacan siiyaan looguna taageero gudiyada xoojinta amniga iyo nabada deegaanka.

Ugu Dambayn gudoomiyaha ayaa ka hadlay sida ay ku wada shaqeeyaan gudiyada Rajo soo celinta ee uu gudoomiyaha u yahay.

Halkaan ka dhagayso Wariysiga oo Dhamaystiran:


C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq