TOP DHAGEYSO: Golaha Guurtida Somaliland Oo Ku gacanseeray Codsi Oga yimid Siilaanyo.

0

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa maanta cadeeyay inay ka diideen codsi uga timid madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Codsiga oo ah in guurtida wax ka badalaan go’aankoodii hore ee mudo kordhinta ee dhigaayay in doorashada la qabto sanadka 2017, oo ay waafajiyaan heshiiskii saddexda xisbi iyo xukuumada ee dhigaya in doorasha la qabto December 2016.

Ku-simaha gudoomiyaha golaha guurtida, ahna gudoomiye ku xigeenka kowaad ee guurtida Saciid Jaamac Cali oo maanta siiyay BBC wareysi gaar ah ayaa faah-faahin ka bixiyay kulan ay la yeesheen guddiga joogtada ah ee golaha guurtidu, laakiin la isku af-garan waayay.

HOOS KA DHAGEYSO:-