TOOS U DHAGEYSO: Dr. Axmed Faarax Ducaale ” Madaxdi Dowladda Ee Gobolka Gedo Dowlad Shisheeye Ayaa Ka Xeesatay, Baardheere Maxay Uga Duwan Tahay Goobaha Laga Xoreeyay Al Shabaab Ee Gurmadka La Geeyn Jiray?

0

Aqoonyahan Dr. Axmed Faarax Ducaale oo  wareysi gaar a siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada iyo halka uu marayo dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubbooyinka.

Dr Axmed Farax Ducaale ayaa waxa uu sheegay in madaxdi gobolka Gedo ay ka xeysatay dowlada itoobiya iminkana ay ku sugan yihiin doolow ado iyadoo aysan jirin wax ay kala socoto dowladda Soomaaliya.

Dhinaca kale Dr Axmed Farax Ducaale ayaa waxa uu ku tilmaamay wax leys weeydiiyo in Dowladda Soomaaliya ay goobaha laga xoreeyo Al shabaab geeyn jirtay gurmad deg deg ah Baardheere oo 13 maalmood gacateeda ku jirtana aysan xataa weli u furin garoonki diyaaradahada, waa wax leeys weeydiiyo ma qabiil baa lala dagaalamayay mise waxaa lala dagaalamayay Al Shabaab.

Hoos Ka Dhageyso