TOP DHAGEYSO:- Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia Oo U Yeeray Muungaab, Oo ay ku eedeeyeen inuu dhulalkii muqdisho oo dhan wada gatay.

0

Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kulan Maanta ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka Ee Magaalada Muqdisho Ayaa waxa ay ugu yereen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Muungaab in uu Hor yimaado

Mudanayaasha Baarlamanka soomaliya Ayaa Gudoomiye Muungaab ku eedeeyay in uu dhul boob ka wada magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Xildhibaano katirsan baarlamaanka oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dhowr jeer ay u yeereen Guduumiye Muungaab in uu iska indha tiray u yeeritaankooda.

Waxa ay sheegeen Xildhibaanadan in cabasho badan ay ka imaanayaan Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir oo ku aadan dhul badan oo la musuq maasuqay.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab Ayaa haatan Waxa uu booqasho ku joogaa Magaalada Nairobi Ee Caasimada Wadanka Kenya.

Halkaan ka dhageyso Codka Xildhibaanada Baarlamanka soomaliya