TOP DHAGEYSO WAREYSI:- Sheekh Maxamed Shakuul “Doorashadda uu wado Axmed Madoobe waa mid Sulux ah oo aan dhici karin”

0

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah Culimada Somaliyeed iyo Siyaasiyiinta Gobolada Jubbooyinka, Ayaa ka hadlay Marxaladda ka jidha goboladaasi,

Shakuul Ayaa sharaxay aragtidiisa Doorashadda Been abuurka ah ee axmed madoobe uu ku qabanayo magaaladda Kismaayo, walow hadda uu si dhuumaaleysa ah u jooggo dagmadda doolow ee gobolka Gedo.

“Waxaa ii muuqata go’aankaas inaanu ahayn go’aan sax ah. 15 berri gudahood doorasho intaa le’eg oo maamul Goboleed dhan lagu dooranaayo, .” Ayuu yiri Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul.

Isagoo la hadlaayay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayuu yiri “Haddii la rabo doorasho madax bannaan oo cadaalada inay dhacdo, waxay u baahan tahay waqti dhanoo bil ah, diyaargarow bay u baahan tahay. Guddiyo doorasho oo lagu kalsoon yahay ayay u baahan tahay, sharuuc & xeerar bay u baahan tahay, beesha caalamka iyo Dowladda Federalka inay qayb ka ahaadaan bay u baahan tahay. Wixiiyoo dhan hadda ma muuqdaan.”

Markale waxa uu yiri “Waa doorasho hoos gelis ah, saas darteed waan ka digayaa. Waxaan lee yahay yaan lagu ciyaarin mustaqbalka Jubbaland, meel fiican bay ku socotaa, waxa dhimana si wanaagsan loo dhameystiro.”

Sheekh Maxamed Ibraahim, ayaa qaba haddii muddo 15 maalmood lagu adkeysto in lagu qabto doorashada Madaxweynaha, aynaan Goboladda Jubbaland wax taageero ah ka heli doonin Somalida iyo caalamkaba.

“Doorasho 15 berri waa doorasho boobsiis ah, hadday dhacdana ma fillaayo inay heleyso sharciyaddii iyo taageeradii dadka reer Jubbaland, dadka Somaliyeed iyo beesha caalamkuba, wax qiimo ah oo ay yeelan doonto ma jirto.” Ayuu yiri Sheekh Shakuul.

Sheekh Maxamed Shakuul
Sheekh Maxamed Shakuul

Mar la weydiiyay in Baarlamaanka Uu sameystay Axmed madoobe uu ka cararaayo waqtigii oo gabaabsi ah, sidaasi daraadeedna doorashada aan laga maarmi karin, ayuu sheegay in la xalin karo, oo muddo billo ahna uu xilka sii hayn karo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), illaa iyo inta looga diyaargarowbaayo doorashada Madaxda ugu sareysa maleeshiydda raaskanbooni.

Axmed Madoobe oo Isniintii Baarlamaankiisa ugu baaqay in dib doorashada loo dhigo, ayuu si adag uu Baarlamaanku kaga horyimid, wuxuuna kooxdaasi ku adkeystay inaanan dib looga dhigi doonin, waqtigii lagu muddeeyay inay doorashadu qabsoomto.

Shacabka dagga goboladda jubooyinka iyo Gedo ayaa si adag oga Hadlay doorashadda suluxda ah ee aan ku dhisneyn cadaaladda taas oo uu watto Axmed madoobe oo inta badan lagu yaaqaanno daadinta dhiigga shacabka somaliyeed ee jubooyinka dagga.

DHAGEYSO WAREYSIGA.