DHAGEYSO:- Ilaa iyo 28000 oo ruux oo ka qaxay yemen oo soo gaaray Somalia.

0

In kabadan 28000 oo ruux oo Soomaali ah oo ka soo cararay dalka yemen ayaa soo gaaray Gobolka W/Bari  Puntland ilaa iyo bishii march ee sanadkan sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga qaramada midoobay ee UNHCR.

Dooni sida in ka badan 2,500 oo ruux oo isagu jiray Somali iyo yemeniyiin ayaa 30-kii bishii hore ee July soo gaaray dekedda Magaalada Boosaaso.

Dadkaas soo cararay ayaa waxaa UNHCR ay sheegtay in safarkooda mukalla iyo Boosaaso ay ku qaadatay dhowr maalmood iyadoo ay cimilada aad u xumeyd.

Dowladda Soomaaliya iyo UNHCR ayaa si wadajir ah ugu shaqeynaya sidii loo soo dhaweyn lahaa qaxootiga faraha badan ee ka soo cararaya dagaalada iyo colaadaha ka taagan dalka Yemen.

Hay’adda UNHCR ayaa waxaa ka shaqeysay in ilaa 7000 oo ruux oo ka mid ah dadka soo qaxay ay usoo gudbisay koofurta iyo bartamaha Somalia oo ay markii hore ka yimaadeen.

Qorshaha deg deg ah ee qaramada midoobay  Somalia ay ka wado  ee ku saabsan qaxootiga ka soo cararay dalka yemen ayaa bilowday bartamahii bishii juun ee la soo dhaafay,iyadoo 64 oo qaramada midoobay ay waydiisatay dalalka deeqaha bixiya ay heleen oo kaliya shan boqolkiiba.

HOOS KA DHAGEYSO: