DHAGEYSO:- Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga: “sanadkan ciidanka xoogga waxay sameeyeen hormar la taaban karo”

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda gaashaandhiga Cabdalla Xuseen Cali waxa uu faahfaahin Kaga bixiyay Waxqabadka Wasaaradda Difaaca waxa uu tilmaamay in sanadkan ciidamadda Dowladdu  ay sameeyeen hormaro la taaban karo,

Tusaale ahan waxa uu u soo qaatay la wareegistii ciidanka dowlada iyo kuwa Amisom ee dagmooyinka Diinsoor iyo Baardheere oo ka kala tirsan gobolada Bay iyo Gedo  oo in muda ah ay maamulayeen Xarakada Al-shabaab.

Wasiir Cabdalla waxa uu sheegay  qorshaha xiga ee wasaaradda uu yahay wajihida ciidanka ee Gobolka Jubbada-Dhexe gaar ahaan Magalada xarunta ah Bu’aale.

Waxa kale oo Wasiir ku xigeenku Ka hadlay qorshaha isku dhafka Ciidamada Xooga halka uu marayo waxa uu tilmaamay inuu si dardar ah ku socda qorshaha isku dhafka rajada ay qabaan wasaaradda Difaacana ay tahay mid aad u Saraysa

Hoos Ka Dhegeyso