TOP DHAGEYSO:- Baarlamaanka Kismaayo oo gaashaanka u daruuray in Muddo kororsi uu sameysto Horjooge Axmed Madoobe.

0

Shire Colow oo sheegay inuu ka tirsanyahay baarlamanka kooxda Axmed madoobe ee iyagu dhawaan Baarlamaanka Federaalku kala laabten Kalsoonida ayaa sheegay in ay ka soo horjeesteen in dib loo dhigo doorashada Madaxtinimo Kooxda raaskanbooni, isagoona carabka ku adkeeyay in aanu jiri doonin wax muddo kororsi ah oo laga aqbalayo Hoggaanka hadda ee Raaskanbooni.

Shire Colow ayaa ka dhawaajiyay in Baarlmaaanka Xaaraanta ah ee Kismaayo iyo Beesha Caalamkuba ay isku waafaqsan yihiin  in Doorashadu xilligeeda la qabto sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanku faah faahin ka bixiyay in saacadaha soo aadan lagu wado in Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskanbooni uu booqasho ku gaaro deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo halkaas oo la filayo in markii uu gaaro kadib  kula kulmo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ee ku sugan Gobolkaas Gedo Oo Aan laga taageersaneyn.

HOOS KA DHAGEYSO COD: