TOP DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaare Sharmaake oo sheegay in Al-shabaab laga Ciribtirayo Dalka.

0

Shalay galinkii danbe Qarax Xoogan ayaa lagu weeraray Hotelka Jaziira ee Muqdisho kaasi oo sababay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac masuuliyada Qaraxaasina waxaa sheegtay Al-Shabab kuwaa oo tilmaamay inay ugu aargudayeen dad shacab ah oo lagu dilay duqeemo ka dhacay koonfurta Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay ku dhawada 20 qof ayaa ku geeriyootay Qaraaxii shalay Raysil wassaraha oo ka hadlay dhacdadii shalay ayaa sheegay in lagu niyad jabinayo shacabka Soomaaliyeed Waxana uu ka codasaday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan laamaha amniga si la iskaga kaashada sugida Amaanka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in aysan jiri doonin meel looga hagaago Xarakadda Al-shabab isagoo intaa ku daray sida ugu dhaqsiyaha Badan Al-shabab inay kaga saari doonaan Dagaanadda ay Soomaaliya kaga sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaraha Dalka ayaa horay u sheegay Bishii Shacbaan in Al-shabaab Dalka laga saarayo Bishii Ramadaan ee la soo dhaafay.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA: