Fariin: Beesha Sade Maxaa U Diiday Inay Iska Qabtaan Biire Qaatayaasha (CAADO QAATEYAASHA) Haddii Ay Yihiin Dad Miyir Qaba?

0

AFEEF: Soomaali waxba umma kala qarsoona maanta, in mudo ahna waxaan ka xishoonayay amaba ogeeyn aniga iyo in kaloo badan oo u dhalatay beehsa Sade in Qabyaaladu tahay  Sheey Xun, balse akhyaarey haddii ay Soomaalidi dalka nala daganayd Xumaanta Qabyaalada leedahay iyagoo og ku dhaqmayaan maxaa anaga inoo diidaya?,(Fiqi Tolki Kama Jano Tago) annagana sida loogu baratamayaan qayb ka nahay waxii maanta ka dambeya al yacni (Hadaan Kooyay)…

Ugu horeyn Waa Odaygi Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed oo mar labaad salaan diiran MAREEGTAN u marinaya dhamaan ummada Soomaaliyeed ee akhrisanaysa qoraalkeygan maanta gaar ahaana waxaan u salaamayaa dhamaan beelaha Beesha Sade inta u nasab sheegata oo aan ka mid ahay.

Bacda Salaan, Inkastoo waayahan dambe Dhamaan Ummada Soomaaliyeed isku dhaqan ayay noqdeen oo Qaran iyo Qabiilba ninka xun ayay buun buuniyaan, hadana beeshan Sade ee aan ka dhashay waxa ay yihiin kuwa horyaalka u qaaday buunbuunita shaqsiga xun ee beesha Sharafteeda, Dhaqankeeda iyo Danaheeda burburinaya.

Haddaan dib ugu soo laabto cinwaanka qoraalkayga (Mareexaan Maxaa U Diiday Inay Iska Qabtaan Biire Qaatayaasha (CAADO QAATEYAASHA) Haddii Ay Yihiin Dad Miyir Qaba?) Waxaa iisoo baxay arimahan soo socda.
Mar aan aniga oo kaligay ah rog rogay Musiibada iyo Inkaarta halka ay beesha Sade uga dhacday ayaa waxaa iisoo baxday, Allaah Subxaanahu Watacaalaa ma uu jecla ummana naxariisato Qoomkaan iyagu isu naxariisan isfarin Wanaga islamarkaana aan is farin iska qabashada Xumaanta, Beesha Sade waa beesha Kaliya ee maanta Beelaha Soomaaliya ee ay horboodayaan, Niman lahayn Aqoon Maadi iyo Diini ah, Niman aan lahayn Waayo aragnimo Maamul, Niman aan lahayn Qab Bini aadamnimo oo ay wax ku diidan waxna ku ogolaadaan, Waana Beesha kaliya ee ay horboodayaan Niman aysan jirin wax ay ka Xishoodaan dareenkooduna ku kooban yahay inay Xil Qabtaan Xoolana Helaan, Dhamaan Beesha Sade dal iyo dibeddna waa ay wada ogsiin yihiin inaan been ku hadaaqeen oo aan sheegayo xaqiiqda, saas oo ay tahay arki maysid Oday dhaqan, Aqoonyahan ama Nin ama Gabadh caqli fog leh oo oranaya war waxan Beesha Sade maqabato Sharafkeeda, Dhaqankeeda iyo Danaheeda ee Ummada Sade dhinac u dhaafa.

Waa ayaan daro iyo Musiibo markaad aragto Aqoon laawihi, Imaan Laawihi aan waxba u xeerinayn Soomaali iyo Beesha Sade oo kuwo caqligooda iyo damiirkoodaba uu aad u hooseeyo oo jilbeysan kulana safan qaab xunoo liita oo Jifo ah oo oranaya waa aqoonyahan, waa siyaasi, waa ninka kaliya ee beeshan sanadkan u kacay iwm, iyagoo caalamka horumaray ku nool, aana weli ka xoroobin in maskaxda laga gumeysto ama shaqsi liita ay oo arkayaan inuu mustaqbalka ubadkooda berito QATAR ku yahay ay ku taageeran qaab jifo.

Allaah Subxaanahu Watacaalaa Qoowm ma duleeyo ilaa ay iyagu is duleeyaan, Beesha Sade iyagaa is duleeyay maxaa yeelay bal Allaah Subxaanahu Watacalaa ayaan magaciisa idinku dhaarshaye eega ma wax loogu xisheey leeyihiin 14-ka Xildhibaan ee Baarlamaanka Federaalka beesha Sade ugu jirta? bal Allaah Subxaanahu Watacalaa ayaan
magaciisa idinku dhaarshaye eega Wasiirada DFS inoogu Jira Ma Wax loogu xiheey leeyihiin? bal Allaah Subxaanahu Watacalaa ayaan magaciisa idinku dhaarshaye eega Maamul goboleedyada nimanka Madaxweyne kuxigeenka ka sheegta ma wax loogu xishey leeyihiin? bal Allaah Subxaanahu Watacalaa ayaan magaciisa idinku dhaarshaye bal eega ninka dhaqanka Sade sheeganaya inuu Ugaas u yahay ma wax loogu xishuu leeyahay? Haddaan iraahdose Beesha Sade shaqsi miyir qabaa kuma jiro Walaaleyaaloow soo doow ma,ahan hadalkeygaas? hadduuse jiro shaqsi miyir qaba islamarkaana leh caqli fog oo sokeeye iyo shisheeyaba lagula xisaabtamo oo u dhashay beesha Sade miyey dhici lahayd in waxaan duliga ah ee aan lahayn Damiirka, Dadnimada dhuntana wax ka maqla inay Beesha Sade horboodaan?

Kooxdan waa kuwa ugu xun uguna liita waxaa la arkaa markii guul yar usoo ifeyso Beesha Sade waxa ayna durbaanka u tumaan amaba abaabulaan qadad telefoon oo lagu dhabarjabinayo guushaas yaree soo ifeyso, qaarkood lacago ayay uga qaataan beelaha beesha Sade is hayaan hoowsha ay u qabanayaan, halka qaarka kalena ay danaha guud ay fiirinee ay fiirniyaan danaha jifo hoosaadka ay Beesha Sade ka yihiin.

Kooxdan waxa ay sheegtaan inay yihiin Aqoonyahano 24-ka saac xiriiriya qad telefoon, markay isu soo gaalaan qadka waxa ay bulshada ugu sheekeeyaan kuna marin habaabiyaan waxyaabo qofkii caqli fiyoow lihi aan loogu gafi karin caqliigiisa sida, dacwado ayaan gudbinay oo xafiis hebel iyo xafiis hebel ayaan la xiriirnay,Tusaale, hadaad kuwan sheeganaya aqoonyahanada aad $ 50 Doolar oo qaaraan ah ku qortana usbuuc beey kaa dhuumanayaa oo aysan qadka telefoonka soo galeyn ama si uu u bixin qaaraankaas ayuu qadka telefoonka wax uu ka abuurayaa buuq si loogu kalo tago. ma kuwaasbaa aqoonyahan ah? ma kuwaasbaa ummad masiirkood lagu aamini karaa?, Bulshada Sade-na waxaan oranayaa haka yeelin inay u gafaan caqligaaga (Don’t let them insult your intelligence), Maadaama ay Soomaalida ku maah maahaan (Ninkii Aragiisa Ku Deeqaa Oontiisana Ku Deeqdaa), (Tiisa Daryeelaa Tukale Ku Dara) iyo (Ninkaad Kabo Ka Tolanayso Kabihiisaa La Eegaa).

Talo Soo Jeedin.

Mareexaan haddiiba ay inoo hareen cid miyir qabtaa lehna Damiir iyo Dadnimo Sadenimo, waxaan ku talinayaa in kacdoon baahsan la abaabulo oo ku saabsan sidii layskaga dhicin lahaa Cadowga Beesha Sade hadduu yahay sokeeye iyo hadduu yahayba shisheeye, islamarkaana waa inaan ogaanaa in Soomaali diiday Nabad kuwada noolaasho iyo Wax wada qaybsi siman, ee haloo diyaar garoobo Colaada ay hurinayaan Damujadiid iyo Maamulada Jabhadaha Qaranki Soomaaliyeed la dagaalamay iyagoo cadow uu usoo dhiibay qoriga iyo rasaasta ee ay dalka ku burburiyeen.

Nin la soo baray amaba lagu soo carbiyeeyay inuu adeege ahaado waxna burburiyo Filimaayo inuu wax dhisi karo, inta Jabhadihi loo adeegsaday burburinta dowladdi iyo dalka Soomaaliya ay horboodayaan Masiirka Soomaaliyeed ama sheeganayaan Maamulo iyana filimaayo in Nabadd kuwada noolaasho iyo si siman awood qaybsi ah ay Soomaaliya ka soo dhawdahay ama ka dhacayso ee waxan socdaa hadda waa aarsi iyo dagaal’e, Beesha Sade intay dhoowri lahayd Niman shaqo tagay oo adeegeyaal ama caado qaateyaal ah oo Beesha Sade u dhashay balse u adeegaya Jabhadaha dalka burburiyay Danahooda, waa in ummada Beesha Sade danahooda u kacaan sameystaana iyagu ciidan iyo maamulo u gaar ah (Xaafadi Waxay Xaafad Kale Ugu Gudubtaa Waa Xasarad Jaalleyaal) bal markaa aanu aragno ninkii qori soo qaata oo na qasba (Waa Ayaan Daro Awooda Allaah Subxaanahu Watacaalaa Dadkan Siiyay Ee Haddana Aysan Garoowsaneen Unna Shukrinayn) All Xamdullilaah.

Ugu dambeynti waxaan Allaah Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa inta u dhalatay Beesha Sade ee maskaxdooda, damiirkooda iyo dadnimadooduba taamka tahay in uu garowsiiyo inay ka kacaan oo waxba iyagu aysan dulmin balse diidaan dulmiga, danaha beesha SADE-na cidna ay uga xishoon kuna xeerin sokeeye iyo shisheeyana isku si uga diidaan in lagu awr kacsado, (Marnaba Waa Inaynaan Ku Qancin Inaan Durbaanka U Tuno Niman Iyagu Maamulo Sheegtay Iyo Wiilal Ku Qancay Inay Hoosfadhiistaan Asaagood Islamarkaan Ku adeegaan Fikradaha Rag Asaagood Ah).

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)