FARIIN: MAREEXAAN WAQTIGA WAXBA KAMA BARTAAN MIYAA? MAXAASE ISKU EKEYSIIYAY WAXII KA DHACAY KISMAAYO IYO WAXA HADDA KA SOCDA GALGUDUUD?

0

AFEEF: Soomaali waxba umma kala qarsoona maanta, in mudo ahna waxaan ka xishoonayay amaba ogeeyn aniga iyo in kaloo badan oo u dhalatay beehsa Sade in Qabyaaladu tahay Sheey Xun, balse akhyaarey haddii ay Soomaalidi dalka nala daganayd Xumaanta Qabyaalada leedahay iyagoo og ku dhaqmayaan maxaa anaga inoo diidaya?,(Fiqi Tolki Kama Jano Tago) annagana sida loogu baratamayaan qayb ka nahay waxii maanta ka dambeya al yacni (Hadaan Kooyay)…

Haddaan usoo laabto ujeedka qoraalkeygan ugu horeyn Waxaan salaan diiran MAREEGTAN u marinayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed ee akhrisanaysa qoraalkeygan maanta gaar ahaana waxaan u salaamayaa dhamaan beelaha Beesha Sade inta u nasab sheegata oo aan ka mid ahay, sidoo kale waxaana idin leeyahay dhamaantiin ummada Soomaaliyeed iyo gaar ahaanba Beelaha Beesha Sade Ciid Mubaarak, Wa Kulu Caam Wa Antum Bi Qayr.

Bacda Salaan, Soomaalidu waxa ay ku maah maahdaa (Mar I Dage Allaha Dago, Mar Labaad I Dagase Anaa Is Dagay), anoo taas ulla jeeda dabinada (Shirqoolada) laga soo maleegayo Villa Damujadiid (Wahaabiyiinta) oo dhamaantood isu eg balse dadka aan ka dhashay ee beesha Sade weli intooda badan aysan fahmin, inta fahansana ay laba garab yihiin, kuwo diiday oo ka dagaalamaya iyo kuwo biiroqaateyaal noqday oo lagu shaqeeysto iyagoo Sandaroor yar doonaya ayna kala weynaatay magacii iyo sharafkii Ummadan Beesha Sade inay iyagu wax helaan oo maalmo noolaadaan (Nimay Soori Qaaraday Iyo Nimay Seefi Qaaday Kala Gobsane).

Qoraalkan waxaan ku bayaaminayaa anigoo soo koobaya si qoraalka akhristoow kuugu yeesho nuxur iyo fahan dhaqsiyo badan (Hurdada Beenta Ah Uga Kacdid) dhoowr arrimood oo ay iska shabahaan WAXII KA DHACAY KISMAAYO IYO WAXA HADDA KA SOCDA GALGUDUUD.
Maxaa Ka Dhacay Kismaayo?

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (Haddal Badan Haan Ma Buuxsho) aniga oo ntaa ulla jeeda waxaa ka dhacay magaalada Kismaayo in la yiri maamul Jubbaland la yiraahdo oo aysan dadku dooran ayaa la dhisayaa, dhamaan intii musharax u ahayd Madaxweynenimada ee ka soo jeeday beesha Sad, markii doorashada lood areeray ayaa musqul lagu xiray, waardiyana la hor istaajiyay musqushay ku xirnaayeen si hal nin ah iyo beeshiisa ay isu doortaan iskuna koobaan Madaxweyne ilaa Waardiyaha dekedda magaalada Kismaayo, taas oo dhalisay in dagaalo culus oo ay ka qayb qaateen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladdaha Deriska ah lala galay beesha Sade iyo beelo kale oo ka mid ah dadka deegaanka.

Magaalada Kismaayo waxaa Madaxweyne Ku Xigeen waa yahay la yiri oo maqaar saar ah Gen. Fartaag, ugu fiirso si fiican dibna u raac xogtan marka magaalada dagaal ka dhacayo ama dad rayid ah la xasuuqayo Axmed Madoobe waa uu ka maqnaa Kismaayo, waxaana dagaalkaas ama xasuuqaas hogaamiya Gen Fartaag oo ciidamadi Beesha Sade oo uu ka dhashay ayuu waxuu dhaafsaday wax uu ka yahay maqaarsaar mar walbana gabood falka iyo godobta waa looga tilaabsadaa isna kama taxadaree waa uu dhex istagaa.

Waxaa geed dheer iyo geed gaaban loo fuulay in xoog lagu muquuniyo beesha Sade iyo beelaha kale ee Soomaaliyeed ee wax ka daga gobolada Jubbooyinka ilaa mantadan la joogo waxa loogu yeero Jubbaland kama ay shaqeyso gobolada Jubbooyinka, Jubbaland waxa ay ku kooban tahay magaalada Kismaayo oo sida aan ognahay qeybo ka mid ah qoraxda markay dhacdo habeenki xataa aysan maamulin.

Cabdikariin Xuseen Guulleed waxa uu ahaa qaybna ka ahaa dajiyeyaashi qorshaha Damujadiid ee Gobolada Jubbooyinka, waxa ayna si toos ah ulla shaqeeyaan heshiisna ulla yihiin Axmed Madoobe iyo Maleeshiyo Beeleedkiisa Raaskambooni, waxa ayna aaminsan yihiin Beesha Sade in ay tahay cadowga koowaad ee ay leeyihiin, waxaana daliil u ah 24/7 u fiirso Hadalada kasoo yeera anigu oran maayo’e Madaxweynaha Soomaaliya ee waxaan oranayaa Madaxweynaha Damujadiid Xasan Sheekh Maxamuud iyo aflagaadooyinka qayaxan ee uu u geysto Mas’uuliyiinti dalkan soo hogaamin jirtay oo sida xaqiiqda ah kabaha ay xirtaan ay ka sharaf badnaayeen isaga intaanba la gaarin wax kale’e.

Bal u fiirso Madaxweynaha Damujadiid Xasan Sheekh naceybka iyo dagaalka ba’an ee uu kula jiro Beesha Sade,waxa uu mar walbaa heshiis la yahay amaba la safan yahay cid alle cidii ay isqabtaan beesha Sade, waxa uu mar walbana nin doorka beesha Sade, waxa uuna saaxiib ka dhigtaa inta ugu shaqsiyada iyo karaamada xun beesha Sade si uu ugu dhibaateeyo Beesha Sade.

Waxaa socda illaa hadda dagaalka Jubbooyinka, waloow Damujadiid iyo Maleeshiyada Raaskambooni ee ay taageeraan (Wahaabiyiin) ay aaminsan yihiin inay ku guuleeysteen qorshahoodi taas oo ah mid runtii xaqiiqda ka fog ahna qiyaali uu aamini karo nin isagoo soo jeeda riyooday (Dhul Ma Dhamaado’e Xaaqinkaa Dhamaado)…
Maxaa Hadda Ka Socda Galguduud?

Waxaa la yiri Galguduud iyo Mudug (Galmudug) ayaa maamul loo sameenayaa, shuruudihi ugu horeeyay waxaa laga dhigay Beesha Sade umma tartami karaan Madaxweyne ee waa inay u tartamaan Madaxweyne Ku Xigeenka, Xildhibaanada waxay noqonayaan 89 Xildhibaan beesha Sade-na waxay ku yeelanaysaa 17 Xildhibaan, oo yey noqonayaa beelaheese kasoo jeedayaan 72 Xildhibaan ee kale? Jawaabtu waa sahal, waxa ay noqonayaa hal beel ah iyagaana soo dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku Xigeenka.

Dastuurka dalka waxa uu dhigayaa in maamul Goboleed noqon karaan oo kaliya laba gobol iyo waxii ka badan oo dadka dagan ku heshiiyeen. Galmudug ma tahay laba gobol mise ka badan tahay? dadka dagan maku heshiiyeen? jawaabtu waa maya Galmudug waa hal gobol iyo bar, dadka dagana kuma aysan heshiin, sababtoo ah Dastuurka dalka markii la qorayay Qubaradi qortay xataa 4.5 ayaa lagu soo xulay wax kaleba iskadaaye. marka maxaa diiday in Galmudug 4.5 wax lagu qaybsado? maxaase diiday in Beesha Sade u tartamaan Madaxweyne? Maxaase diiday in Xildhibaanada 4.5 ku yimaadaan maadaama dowladdi dhexeba 4.5 lagu soo xulay.
Magaalada Cadaado waxaa Madaxweyne Ku Xigeen waa yahay la yiri oo maqaar saar ah Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey) oo ay doorteen 72-da Xildhibaan ee halka beel ka soo jeeda,maxuu yahay ujeedka Carabeey loo doortay?, maxuuse kaga duwan yahay Gen Fartaag? waa wax cad waxa loo doortay Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey)shalay waxaa dagaalo ay ka dhaceen deegaano ka tirsan waqooyiga gobolka Galguduud,Carabeey waxa uu ku sugnaa Caabudwaaq, Cabdikariin Xuseen Guulleed waxa uu ku maqnaa safar magaalada Gaalkacyo, markii ciidamada taabacsan Galmudugta Damujadiid looga awood roonaday dagaalada, Maxamed Xaashi Cabdi Carabeey waa uu isaga cararay magaalada Caabudwaaq, maxaa isu ekeeysiiyay dhacdadi Kismaayo iyo midan Galguduud? in marka sheeganaya madaxweynaha uu maqan yahay kan ku xigeenka uu ka dhigtee Mareexaan beeshiisa dagaal ku qaado, mase kula tahay inuu Carabeey qaban doono waxuu qabtay Gen. Fartaag? Jawaabtu waa sahal waa uu isku dayayaa markuu isku dayana hadaan kaashado caqligeyga, si wanaagsana u aqaan dadka daga Waqooyiga Galguduud mudo gaaban ayuu ordayaa meelaha ugu dambeynta ama waa cararayaa ama waxaa gacantiisa ku dilaya ninka isaga jifo u xiga, sababtoo ah dhulkaas waa dhul colaadeed Beesha Sade ee dagan halkaasna lama tuso nin dadyoow kale u adeegaya, waayo eeg dhamaan inta u adeegta Damujadiid waa ay ka cararaan deegaanadaas kumana soo deg degaan.

Cabdikariin Xuseen Guulleed waxa uu ahaa qaybna ka ahaa dajiyeyaashi qorshaha Damujadiid ee Gobolada Galguduud, markana qorshahooda waa uu ka duwan yahay kii taagerenimo ee Jubbooyinka ee isaga iyo ururka Damujadiid waxay ku habsadeen Madaxweynenimadi Galmudug waxa uuna noqday Madaxweynaha ay doorteen 72-da Xildhibaan ee halka beel kasoo jeeda (Maxaa dadka loo yiri  waa la doortay ninmay Beeshiisa dooratay?)

Waxaa shalay ay ka dhaceen dagaalo waqooyiga gobolka Galguduud kuwa kalena maanta ayaa laga cabsi qabaa inay ka dhacaan oo u dhexeeyay maamulo dadyoow kale leeyihiin oo baratamaya kuwaa oo kala ah Maamulka Gobolada Dhexe oo ay wataan Ahlusunna Waljamaaca iyo Galmudug waa su’aale Beesha Sade maxaa askarta uga dhigay labada dhinacba? ma waysan noqon karin dad ka madaxbanaan labadaas Maamul ee ay labada nin ee hogaaminaysa ilmo adeerka yihiin? Maxaase Beesha Sade labada Maamulba Madaxweyne ku xigeen uga dhigay (Jinoow Wax Ku Fal), Maxay Wiilasha Beesha Sade ay ugu dhimanayaan laba nin oo ilmo adeer ah? Jawaabtu waa sahal dagaalka lagula jiro beesha Sade ee laga soo abaabulay Villa Damujadiid ayna horboodayaan Cabdikariin Xuseen Guulleed iyo Madaxweynaha Damujadiid (Wahaabiyiinta) Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu aruursaday (Shaqaaleesytay) intii ugu shaqsiyada iyo Dadnimada iyo Damiirka xumeed ee kasoo jeeday Beesha Sade si beesha Sade Soomaaliya gudaheeda looga dhigo (Looma ooyaan) oo ay u noqdaan kuwo ku hoobta (Gaashaan) xabada dagaalada loo dhigo.

Talo Ku Wajahan Dadka Beesha Sade Meel Walba Oo Ay Joogaan

Waxaa xaqiiqo ah in dagaalka Damujadiid ay ku dambeyn doono Fashil, Haddii dadka Beesha Sade ay fahmaan dagaalka cida kuwada iyo halka laga soo abaabulayo, MAXAASE ISKU EKEYSIIYAY WAXII KA DHACAY KISMAAYO IYO WAXA HADDA KA SOCDA GALGUDUUD? MAXAA ISKU DAN KA DHIGAY AMA AY KU HESHIIYEEN DAMUJADIID IYO RAASKAMBOONI? MAXAA BEESHA SADE KA DHIGAY ADEEGE (DAMUJADIID, AHLUSUNNA, GALMUDUG IYO RAASKAMBOONI IWM) OO AY IYAGU DANTOODA GAARKA AH U RAACAN WAAYEEN? intaas haddii ay Beesha Sade Fahmaan Jawaabteeda Hubaantideyda Buluq Buluqdan cidlada ah ee kooxahaas Waa Soo Idlaan lahayd.

Ugu Dambeyntii iyo gabagabada qoraalkeyga, Dadka beesha SADE dal iyo dibedba waxaan kula talin lahaa hadaad maqasheen ninkaas waa Sheekh iwm ninba waxbuu Sheekh ku yahoo ku xeel dheer yahayee taladaydan qaata tan anaa Sheekh ku ahee, waad ku libanaysaan waadna ku guuleysanaysaa Insha Allaah, MEEL WALBAA OO AAD DUNIDA KA JOOGTAAN DAGAAL AAN HAGRASHO LAHAYN LA GALA SIDII LOO BURBURIN LAHAA GALMUDUG-TA DAMUJADIID WADATO madaxdana ka yahay Cabdikariin Xuseen Guulleed taas ayaa dantiina ku jirtaa HALA FASHILIYO DAMUJADIID.

Wabilaahi Towfiiq

Ugaaska Ugaasyada Soomaaliyeed
(Run Sheeg Waa Ceeb Sheeg)