TOP “VIDEO+SAWIRO” Taliyihii Gadooday Puntland ee Gn. muxyadiin Oo Galabta Garowe yimid & Iyo Xaaladda Oo Caawa….

0

Gen. Muxyadiin Axmed Muuse iyo Cabdi Yare Oo Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Ku Sugnaa Deegaanka Qarxis ee Gobolka Nugaal, Waxaanna Galabta lagu soo dhaweeyay Duleedka Magaaladda Garowe Ee Xarunta Puntland.

Gen. Muxyadiin Axmed Oo Horay U Ahaa Taliye Ku Xigenka Ciidanka Booliska Puntland Ayaa Waxaa Garowe ugu Yeeray Reysulwasaaraha somaliya iyo hogaamiyaha Kooxda raaskanbooni Oo Halkaasi Uu Wada xaajood oga socdo.

Genaraalka Oo lahadlay Tv-ga SBC ayaa Sheegay in sababta uu Garowe u yimaad inay tahay wada hadal Garowe uga bilaabanaya Ra’iisul Wasaare Cumar, madaxwayne Axmed Madoobe iyo Isimadda Gobalka Nugaal, wuxuna sheegay inuu ka qancaya wax kasta oo go’aan lagu gaaro.

Gen-Muxyadiin ayaa wax laga waydiiyay inay is-arki doonaan madaxwayne Gaas iyo inuu Garowe dib ugu laabanaya arrimahaasi wuu ka gaab-saday inuu ka jawaabo.

Dhinaca Kale Faah faahin Dheeraad ah Lagama Hayo wada hadaladii garowe oga socday Reysulwasaraha DFS Cumar C/rishiid cali sharmaake iyo Puntland iyo Raaskanbooni, iyadoonna warar soo baxaya ay sheegayaan in ay jiraan qodobbo la isku fahmi la’yahay.

DAAWO SAWIRADI SOO DHAWEYNTA GEN. MUXYADIIN.

648392medium_Ai7dicvRmedium_CBD6YPvOmedium_LSLzMBIomedium_qkSFDP5xmedium_xVadekbDmedium_ZDRKaPr4medium_TUny87i1