Top News:Nicholas Kay Oo Cambaareerayay Weerarka Al Shabaab Ee Hoteellada Muqdisho.

0

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarradii Jimcihii shalay kooxda Al-Shabaab ay ku qaadday hoteello ku yaalla caasimadda Muqdisho oo ay ku dhintaan 18 qof.

Nicholas Kay ayaa war saxaafadeed ku cambaareerayay weerarrada ay kooxda Al-Shabaab geysatay xilli ay dadku afurayeen.

Wuxuu ku ammaanay ciidanka dowladda federaalka iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM sida deg-degga ah ee ay u caabbiyeen dableydii weerarka ka dambeysay, ugana hortageen inuu khasaaraha kordho.

Kay ayaa tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibbada dadkii lagu dilay weerarrada, wuxuuna caafimaad deg-deg ah u rajeeyay kuwa dhaawacmay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay sii wadi doonto la shaqaynta dowladda federaalka, AMISOM iyo beesha caalamka si loo dhiso ciidan qaran oo xooggan iyo hay’ado dowladeeed si loo xaqiijiyo amniga dalka.