Top News:Falaagada Al Shabaab Oo Ku Xiray Xarardheere 15 Oday Dhaqameed Oo Ka Qeyb-gallay Doorashadii Cabdikariin Guulleed.

0

Maleeshiyada mayalka adag ee Al-shabaab ayaa xabsiga dhigay odayaal iyo waxgarad ka qayb-galay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud,taaso lugu doortay madaxweynaha maamulka gobollada dhexe.

Illa tobon Oday dhaqameed oo ka mid ahaa wax-garadka degmada Xarardheere ayaa la sheegay in la xirray,waxaana saraakil ururka u hadashey ay sheegeen inay ku xireen amar ka yimid mas’uuliyinta degmada ee falaagada al-Shabaab.

Xiraga odayaashan waxuu siyaadinaya tirada wax-garadka deegaannada ee u xiran al-Shabaab,ka gadal markii dagaal-yahanno ka tirsan ururka ay xabsiga dhigeen illaa shan iyo tobon odey dhaqameed oo ku sugna degmada Xarardheere oo ka tirsan koonfurta gobolka Mudug.

Isku soo wada duuboo Ilaa iyo hadda sababta ka danbeysa xariga odayaasha, hasse ahaatee waxaa muuqata in loo heyso sababta ka qeyb-gallka shirka Cadaado ee lagu doortay Cabadikariin Xuseen Guulleed.