Top News: Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Boqortoyada Sacudi Carabiya Amir Saud al-Faisal oo geeriyooday.

0

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibada Boqortoyada Sacudi Carabiya Amir Saud al-Faisal ayaa geeriyooday kadib labo bilood oo uu ka fariistay howsha diblumaasiyada isagoo ahaa wasiir arrimo dibadeed muddo 40 sano ah.

Mas’uul sare oo u hadlay wasaarada warfaafinta Saudi Arabia ayaa xaqiijiyay geerida Amiirka xukuumadana ay war rasmi ah ka soo saari doonto goor dhow.

Amir Saud ayaa loo magacaabay 1975 inuu noqdo wasiirka arrimaha dibada Boqortoyada Sacudi Carabiya isagoo noqday wasiir arrimo dibadeedkii ugu waqtiga dheeraa caalamka isagoo hayay xilkaas muddo 40 sanadood ah waxaan ala bedelay 29kii April ee sanadkan iyadoo loo magacaabay jagadaas safiirkii boqortoyada Sacudi Carabiya u joogay magaalada Washington Adel al-Jubeir.

Xilligii uu hayay jagada wasiirka Arrimaha Dibada ayaa waxaa uu u soo joogay qabsashadii ay Israel qabsadeen dalka Lubnaan sanadihii 1978, 1982 iyo 2006,kacdoonii Falastiiniyiinta ee Intifaadaha loo yiqiin 1987 iyo 2000, duulaankii Ciraq ee dalka Iran 1980 iyo Kuwait 1990, iyo weliba qabsashadii huwantii uu Maraykanku horkacayay ee dalka Ciraq 2003.

Prince Saud ayaa wasiir dibadeed u soo noqday afar Boqor oo isaga kala dambeysay boqortoyada Sacudi Carabiya.

Amir Saud oo uu dhalay Boqor Faisal ayaa ku dhashay magaalada Da’if ee u dhow Makka sanadkii 1940kii, waxana uu gacan weyn ku lahaa heshiiskii 1989kii ee lagu soo afjaray dagaalkii sokeeye ee ka socday muddo 15 sano ah dalka Lubnaan.