TOP NEWS:- Saraakiil Boolis oo Al-shabaab ka afduubteen Kenya oo la badbaadiyay

0

Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo lagu magacaabo General Joseph Boinnet oo la hadlay warbaahinta Kenya ayaa sheegay in la soo badbaadiyay Labo sarkaal Boolis oo Al-shabaab ay bishii May sanadkii 2013-kii ka afduubteen magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya.

Sarkaalka ayaa sheegay in Labada Sarkaal oo lagu kala magacaabo Joseph Wambugu iyo Fredrick Chirchir laga soo badbaadiyay gacanta Al-shabaab June 25, 2015,wuxuuna tilmaamay in xaalada caafimaad ee saraakiishani ay wanaagsan tahay.

” ka dib soo badbaadintooda waxay mareen baaritaan caafimaad dheeraad ah,waxayna noqdeen kuwo badqaba marka laga reebo waxoogaa ay murugeysnaayeen,”ayuu yiri Joseph Boinnet.

Wuxuu xusay Mr Joseph Boinnet in Saraakiishaan markii la afduubtay loo kaxeeyay agagaaraha degmada Jilib Ee Soomaaliya halkaasi oo marba meel Al-shabaabka ay ula guurayeen.

Ugu danbeyntii Sarkaal ka tirsan Booliska Kenya oo lagu magacaabo General Joseph Boinnet,ayaa ugu baaqay dhamaan dadka Kenyanka inay feejignaadaan,isagoona shaaciyay in wali Shabaab wadaan weerarada argagixiso ay ka geysanayaan gudaha Kenya.

Kooxda Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi bari Kenya,waxayna maalmahan weerarada ku soo noq noqdeen magaalada Mandhera.