Top News+Sawirro: Mo Farah Oo Wacdaro Dhigay Kadib Markii Uu Ku Guuleystay Orodka 5-kun Ee Mitir Ee Magaalada Lausanne.

0

Orodyahanka caanka ah Mo Farah ayaa mar kale ku guuleystay orodka 5-kun ee Mitir ee ka dhacay magaalada Lausanne, isagoo ka guuleystay 17 jirka reer Itoobiya ee Yomif Kejelcha.

Mo Farah oo horay u heystay labada bilood ee dahabka ee Olombikiada ayaa ku orday 13:11:77, waxaana tartanka uu ahaa Diamond League.

Orodyahanka 32-jirka ah Mo Farah ayaa waxaa dhowaan Tababarihiisa Alberto Salazar la sheegay inuu isticmaalo daawooyin mamnuuc ah, taasoo warbaahinta caalamiga ay aad u hadal hayeen.

Mor Farah ayaa waxaa uu labo jeer laga waayay markii baaritaan lagu sameeyay inuu isticmaalo daroogo, waxaana uu sheegay in aanu waligiis isticmaalin wax daroogo ah.

mo2

mo1

mo