TOOS U DHAGEYSO:- Qorshe Al-shabaab looga saarayo deegaano oo ka socda Shabeelaha dhexe

0

Gudoomiye ku-xigeenka amaanka iyo siyaasada maamulka gobolka Shabeelaha dhexe Axmed Meyre Marakaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda ay wadaan qorshe ay ku doonayaan in deegaanada ku jirin gacantooda ee shabaab ay ku sugan yihiin gaaraan.

Wuxuu sheegay Mr Makaraan in hada qorshahaasi ay socdaan,islamarkaana duulaan lagu layahay ururka Al-shabaab oo wali ku sugan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Shabeelaha dhexe.

Dhanka kale,gudoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasada iyo amniga ayaa ka hadlay xaalada guud ee amniga gobolka,wuxuuna tilmaamay in xaalada ay tahay mid wanaagsan,isamarkaana ciidamada amniga howshooda si wanaagsan u gudanayaan.

Ururka Al-shabaab ayaa marar badan waxay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada ay ku leeyihiin Shabeelaha dhexe,waxaana weerarkii ugu danbeeyay uu ka dhacay degmada Mahadaay oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowlada.