TOOS U DHAGEYSO:- Cabdi qeybdiid oo Shacabka Puntland ugu digay in hogaanka Maamulkaasi uu dagaal geliyo

0

Madaxweynihi hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacayo ayaa dhaliilay Siyaasada Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu doonayo inuu iska horkeeno Shacabka Gobolada Dhexe iyo kuwa ku nool deegaanada Puntland, waxa uu tilmaamay in Madaxdweyne Gaas uu abuurayo colaad hor leh oo u dhaxeysa labadaasi shacab.

Madaxweynihi hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Shacabka ku nool deegaanada Maamulka Puntland in aysan dhaq jalaq u siin hadalka iyo baaqa uu u jeedinayo Madaxweyne Gaas.

Hadalkaan ayuu Madaxweynihi hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale qeybdiid ka sheegay Xaflad uu tababar ugu soo xeraayay Ciidamo ka tirsan Maamulkaasi.