TOOS U DHAGEYSO:Xukuumada Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Go’aan Lama Filaan Ku Noqday Puntland.

0

Xukuumadda Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay inay taageersan tahay maamulka ka dhismay magaalada Cadaado sida waxaa sheegay wasiirka warfaafinta.

Maxamed Cabdi Xayri “Maareeye” wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho waxuu uga hadlay arrimo ay ka mid-yihiin dhismaha maamulka gobollada dhexe ee Galmudug.

Waxuu sheegay maamulka waddada loo maray dhismihiisa inay tahay mid saxan oo mudan in lugu deydo marka waxuu sheegay marna inan gor-gortan la-galin karin qaab dhismedkiisa.

“Dhismaha mamulka Galmudug waa mid ku dayasho mudan sidaan soo sheegayba gor gortana magalayo qaabka loo maray dhisida maaamulaas”ayuu siiraacsaday Maareeye.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya waxuu ka hadlay diidmada Ahlasunna oo dhankeeda madaxweyne u dooratay maamulka gobollada dhexe,isagoona tilmaamay in la xallin doono tabashada Ahlasunna.

Halkan Hoose Ka Dhageyso