TOOS U DHAGEYSO:- Xeer ilaaliyaha Qaranka oo beeniyay in Dowlada Soomaaliya ay ka baxday dacwadii la xiriirtay Badda

0

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in 13-ka bishan Luulyo xukuumada Soomaaliya ay gudbineyso dukumentiyadii ka harsanaa dacawadda dowladda Soomaaliya ay la tiigsatay Kenya taas oo ku saabsaneyd soohdinta badda ee labada dalka ay ku muransanyihiin.

Dr Axmed Cali Daahir Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa sidoo kale sheegay in wararka sheegaya in dowladda ay ka baxday dacawadaasi ay yihiin kuwo been abuur ah, isagoo tilmaamay in shirkadaha Lixda ah ee ku howlanaa shidaal baarista ay shan kamid ah heshiiskii ay buriyeen ka dib markii dowladda Soomaaliya ay digniin u jeedisay isla markaana hal shirkadda oo kuwaas kamid ah oo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay weli ku harsan tahay heshiiskaas dowladda Kenya ay kula jirtay ayna ugu baaqayaan in ay howlahaasi joojiyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

“Dhulka Soomaaliyeed taako ka mid ah wax heshiis ah iyo wax gorgortan ah kama galayno haddii aanahay dowladda Soomaaliyeed iyo shacakiisaba”, ayuu yiri Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka.

Dhawaan ayaa Dowlada Kenya waxay sheegtay in is-afahan laga gaaray murankii dhanka Badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya,islamarkaana dib loo dhiigay dacwadii loo gudbityay Maxkamada Hague.