TOP NEWS:- Madaxda Falaagada Ururka Al Shabaab oo shir uu kaga soconaayo Degmada Jilib

0

Wararka laga helaayo Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in Madaxda Falaagada Al Shabaab uu shir kaga soconaayo Degmadaasi.

Shirkan ayaa bilowday habeenkii Talaadada waxaana la soo sheegayaa in weli uu ka soconaayo Degmadaasi Jilib Faah faahin sax ah lagama haayo waxyaabaha ay Shabaabku kaga wada hadlayaan shirkaasi.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay inay la socdaan shirka Shabaabka kaga soconaaya Jilib Sarkaalkaasi waxa uu iftiimiyay inay suurta gal tahay magac cusub oo ay Shabaabku kaga dhawaaqaan Soomaaliya

Billihii ugu dambeeyay ayay Madaxda Al Shabaab ku kala qaybsaneyd baaq kaga yimid Ururka Daacish oo ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Suuriya Ururkaasi wuxuu Shabaabku ugu baaqay inay ku soo biiraan.

Sarkaalkan ayaa ku waramaaya inay xogta ku helayan in shirkaasi laga soo wada qaybgeliyay Gudoomiyayaasha Shabaabka ugu magacaaban Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya.

Shirkan waxaa la dhihi karaa waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo guluf ka dhan ah mintidiinta uu ka soconaaya Gobolada Gedo iyo Jubbada HooseSi looga saaro goobaha ay ka jooggaan Goboladaasi.

Ciidamada Dowladda, Amisom iyo Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ayaa dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ka wada Gobolka Gedo iyadoona uu yoolku yahay sidii gacanta Al Shabaab looga saari lahaa Degmada Baardheere.