TOOS U DHAGEYSO:- Baarlamaanka Maamulka Puntland oo dood Kulul ka yeeshay arimaha Federaalka

0

Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa waxaa ay ka doodeen arimaha federalka, dastuuurka iyo gudiyada uu dhawaa ansixiyey Baarlamaanka Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Xildhibaanada Puntland ayaa maalintii isniinta loo qeybiyay nuqulo ay ku qoran yihiin hishiisyadii ay wada galeen dowladda federalka iyoMaamulka Puntland iyo sidoo kale dastuurka KM ah ee wax ka badalka lagu sameeyey.

Dooda Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo kulul ayaa socon doonto mudo seddex cisho ah, waxaana soo xaadiray inta badan xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa mudada sadexda Maalmood ah ee ay doodu socoto waxaa ay si qoto dheer u falan qaynayaan waxyaabaha laga badalay dastuurka iyo Heshiisyadii ay galeen dowlada federalka iyo Puntland waxaana marka ay doodu dhamaato go,aan laga gaari doonaa mustaqbalka danbe ee Puntland kaga aadan arimaha federalka.