Sawirro:Madaxweynaha oo afur u sameeyay madaxda laamaha amniga qaranka.

0

Muqdisho, 8 July , 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada afur ugu sameeyay madaxda laamaha amniga qaranka.

Madaxweynaha ayaa intii munaasabadda ay socotey kala hadley madaxda laamaha amniga, xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida ciidammada looga doonayo inay doorkooda saliimka ah uga cayaaraan.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way ogsoon yihin hawsha adag ee ay Ciidammada Qalabka Sida inoo hayaan. Hawshaasi waxaan doonayaa in la labanlaabo, ilamaa guud ahaan cadowga laga sifeeyo waddanka, awooddeenana aan isugu geyno dhanka horumarka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale taliyeyaasha ciidammada farey in si dhow loola socdo xaaladda nololeed ee ciidammada, xuquuqda ay leeyihiin, anshaxa iyo isla xisaabtan dhanka hawlaha sugidda amniga.

Munaasabadda waxaa ka soo qeybgaley Wasiirka Gaashandhigga S/Guuto Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiirka Amniga Cabdirisaaq Cumar Maxamed, taliyeyaasha ciidammada iyo mas’uuliyiin kale.

xu xu1 xu2 xu3 xu4 xu5 xu6 xu7 xu8

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so