Saacadihii la soo dhaafay tirada masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ee lagu dilay Muqdisho+Akhriso magacyadooda

0

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa dilalka kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanada kale ee ku xeeran gobolka Banaadir.

Kooxo hubeysan ayaa dil ka geystay duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanka Jazeera ku dilay taliyihii nabad sugida ee deegaanka iyo askar 3 gaareyso oo la socotay.

Kooxaha hubeysan ayaa rasaas ku furay gaari uu la socday taliyaha nabad sugida deegaanka Jazeera, iyadoo halkaasi uu ku dhintay taliyaha sida dadka deegaanka.

Magaalada Muqdisho kooxo hubeysan ayaa degmada Warta Nabbada ku dilay gudoomiye waaxeed ku sugnaa degmada xili uu ciyaar daawanayay waxaana laga qaatay bastoolad uu heystay.

Maalintii shalay degmada Afgooye ayaa lagu dilay gudoomiyihii hore ee degmada Afgooye.

Gelinkii dambe ee shalay Agaasime ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray.