Nin Mushaar Badan qaata oo guri Kiro ah degan hadana an Masuul dowladeed+Warbixin

0

Madaxa cusub ee bangiga dhexe ee Kenya ayaa diiday in guri fiican dego, maadaama uu shaqo wanaagsan haysto.

Weriyaha BBC Cabdinuur Macallim ayaa sheegayo in tani ay tahay tallaabo dhif iyo nadir ah taas oo xiiso iyo taageero badan u yeeshay ninkan aan weli guursanin ee 54 sano jirka ah.

Dad badan oo ka mid ah shacabka Kenya ayaa waxaa ka yaabiyay dhaqanka madaxa cusub ee bangiga dhexe ee Kenya.

Kama aysan yaabin oo keli ah sida uu ka yeelayo lacagta Kenya ee qiima ahaan ka hoos mareysa lacagaha kale ee caalamka, ee waxa ay la yaabeen sida uu u shaqeynaayo.

Sikastaba waxa ay ula muuqataa in Patrick Njoroge uu caalam kale ka imaaday.

Sida uu u diiday inuu markiisa wax cuno ayaa sidoo kale la yaab noqotay sida uu sheegay Otieno oo wax ka qora arrimaha dhaqaalaha.

Sidoo kale, Victor Nyakachunga ayaa wargeyska The Standard ku qoray in “Dad badan uu kula xifaaltamay” inuu ku dhegan yahay nolosha fudud.

Wixii la arki jiray

Dadka Kenya waxa ay arki jireen dad madax ka ah dowladda oo ku jira hab nololeed aad qaali u ah.

Waxa ay noqotay arrin dodo badan dhalisay, maahan oo keli ah in baarlamaanka ay isku abaalmariyeen inay mushaarka ku darsadaan $3,200 oo dollar bilkastaa, kaddib markii xilka loo dhaariyay in ka yar laba bilood.

Dadkii xilkan uga horeeyay Mr Njoroge, xilka madaxa bangiga dhexe, waxa ay ku noolaayeen guryo raaxo oo aad loo qurxiyay oo ku yaalla xaafadda ugu qaalisan Nairobi.

Waxa ay ku socdaan gawaari qaali ah sida Range Rover, ama Mercede, waxaana la socon jiray ciidamo ilaalo ah.

Guryaha ay degaan waxa ay can ku yihiin jardiimo aad loo qurxiyay, ubaxyana lagu beyray oo lagu qabto xaflado.

Waxayna u dhow yihiin meelaha ay degaan safiirada Britain iyo Mareykanka, iyo guriga madaxweynihii hore ee Kenya Mwai Kibaki.

Mr Njoroge ayaa diiday waxaasi oo dhan, wuxuuna go’aansaday inuu ku noolaado guri shacab leeyihiin oo kiro ah oo ku yaalla xaafadaha dadka dhaqaale ahaanta dhexdhexaadka ah.

Waxa uuna la noolyahay saaxiibadiisa ay isku kaniisadda yihiin.

Waxa uuna ka tirsan yahay urur lagu magacaabo, “Alle u shaqee”, ayuu ka bartay noloshan caadiga ah, wuxuuna sheegay inay tahay nolosha muqaddaska ah ee xushmadda leh.

Taasi ayaa noqotay midda sida weyn loogu tixgeliyay, iyo sida hormarka leh ee uu isu hooseysiiyay.

Hantida uu leeyahay

Markii guddiga baarlamaanka ay baaritaanka ku sameynayeen, waxay ay la yaabeen inuusan hanti oo dhan haysanin.

Taasi oo ay sheegeen inaysan u dhigmin shaqooyiinkiisii hore oo uu ka qaadanaayay mushaar aad u badan, wuxuuna la taliye u ahaa hay’adda lacagta adduunka ee IFM.

“Wax hanti ah haba yaratee oo aan leeyahay majiraan,” ayuu yiri.

“Taasina macneheedu maahan inaan weligey sidaan ahaanaayo. Si ula kac ah ayaana arrintan u sharaxayaa. Tani waa ku deyashadeyda dhaqaale laakiin waxaa suura gal ah inay noqotay sanado kaddib markaan howlgabka noqdo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale xaas malahan

Arrinta kale ee xiisaha gelisay xildhibaanada Kenya waxa ay ahayd in Mr Njoroge, markii la weydiiyay inuu xaas leeyahay iyo inkale, uu sheegay inuusan weli guursanin. Taasina waxa ay noqotay arrin aad looga hadal haayo baraha bulshada.

Xildhibaanada ayaa u soo jeediyay inay xaas ay u guuriyaan si uu iskaabula nimada uga baxo.

“Waxaa xaas la’aan u ahay waa rabitaankeyga, maahan sababta inay dhibaato jirto ama wax la’aan,” ayuu ugu jawaabay.

Dabeecadiisaasi waxa ay soo jiidatay dadka isticmaala barta Twitter ka eek a hadlay inay u guurinaayaan.

Dadka Kenyanka ah waxa ay rajeynayaan in muuqaalkiisaan uu yahay mid dabiici ah, ayna ilaalin doonto siyaasiyiinta guryaha raaxada leh ku nool, uuna ilaaliye u noqonayo mustaqbalka dhaqaalaha Kenya.