TOOS U DHAGEYSO WARBIXIN:- U diyaar garoowga maalmaha Ciida iyo Carwooyinka Muqdisho+Sawiro

0

Waxay ahayd goob mashquu badan ruux kasta oo gudaha carwada soo galana wuxuu ahaa mid doonis ku dalbanayay dooqa uu jecel yahay.

ma aheyn carwada goob dhar oo kaliya lagu iibiyo oo waxaa sidoo kale yaalay agabka caruurta ciidaha ku cayaaraan

qof walba oo soo gala Carwada waxa uu eeganayay waxa uu tabar ahaan awoodo kana cajab geliya carwada dhexdeeda.

Carwa Alkother waa Carwo noocee qaab nooceese ah ayaa loogu dukeemeystaan waa kan Maxamed Xasan Ibraahim oo ka mid ah Madaxda Carwada oo Arrimahaasi iga waramay.

Dad badan oo jecel iney wax ka ibsadaan carwooyinka ayaa hadana waxaa jrto iney ka cararaan qiimaha dadka isku sheegaan ee ah in carwooyinka ay yihiin kuwa qaali ah.

Laakiin fikrad taasi ka reebi karta dad badan aaminaada carwooyinka ee agabka qaaliga waxa iga warantay Sacdiya Maxamed Xuseen oo aan kula kulmay Gudaha Carwada AlKowther, sheegeysana in Carwada AlKowther ay ku dooratay qiimaha yar.

Iskastoo macaamiisha qaar ku badan yihiin ka adeegashada Carwada Alkowther dooqooda dartii ayaa haddana waxaa jira dadaalo maamulka hoos uu ka wado oo aan ku arkin carwooyinka kale ogaalkeyga.

Waxana jira Macaamiisha qaar oo lagu abaal mariyo sheeyo muhim ah iyo qiimo dhimis oo hadafkeedu yahay joogteynta iyo ka sii mid noqoshada Macaamiisha Carwada, sida uu mar kale igu waramay Maxamed Xasan Ibraahim oo Maamulka Carwada ka tirsan.

Carwada Alkowther ma ahan goob dhar oo kaliya lagu iibiyo ee waxaa sidoo kale lagu iibiyaa agabka caruurta ciidaha ku cayaaraan.

Shanqarta aad maqleysaan waa qaar ka mid ah Agabka ay ku cayaaraan Caruurta Malmaha Ciida, Aabo Saciid C/raxmaan oo aan kula kulmay Carwada ayaa ii sheegay in sanadkaan uu ka duwan yahay sanadkii hore marka loo eego qiimaha iyo tayada dharka ay Caruurtooda u iibinayaan.

Maalmaha ay soo dhaw yihiin Ciida ayaa ah Maalmaha ugu mashuulka badan ee Carwada Alkowther, Waxay shaqeeyaan xilliyo ka badan xilliyadii hore, Waxa la keenaa Carwada Shaqalo dheeri ah sida ay ii sheegeen maamulka Carwada.

Hoos ka Dhaheyso warbixinta kana Daawo sawirada:-

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES

SAMSUNG CAMERA PICTURES