TOOS U DHAGEYSO:- Saraakiisha amniga gobolka Mudug oo faahaafin ka bixiyay howlgalo lagu soo qabtay ilaa 200 dhalinyaro ah.

0

Ciidamada amniga gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa howlgallo ammaanka lagu adkeenayo ka bilaabay magaalada Gaalkacyo, kadib markii magaaladu ku soo bateen kooxo dhalinyaro ah oo xilliyada habeenkii ah dhibaato ka geysta Magaaladaasi.

Saraakhiisha amniga gobolka iyo mas’uuliyiinta gobolka oo Shir jiraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa sheegay in laamaha amnigu gacanta ku hayaan ilaa 200 dhalinyaro oo xalay laga aruuriyay xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiintu waxay sheegeen dhalinyaradaan inay ku jiraan kuwo qal qal ku hayay ammaanka magaalada Gaalkacyo iyo qaar kaloo oo aan dambi lahayn.

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur ayaa waalidiinta ku wargaliyay inay ilmahooda la socdaan islamarkaana ka joojiyaan dhaqanada lidi ku ah bulshada .

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle Sare cabdullahi Shire Dool ayaa ciqaab adag iyo xukuno ku rididoonaan kuwo dhibaatada faraha kula jira ee ciidamada amnigu usoorto gashay inay gacanta kusoo dhigaan.