TOOS U DHAGEYSO:- Ra’isal Wasaarihii hore ee Dalka Ugandha oo la xiray

0

Raiisul wasaarihii hore ee dalka Ugandha, Amama Mbabazi ayaa la xiray, waxaana lagu hayaa deegaanka Njeru ee bartamaha dalkaasi.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in loosoo kexeynaayo magaalada Kampala ee caasimadda dalka Ugandha.

Mr Mbabazi ayaa horey waxaa looga digay inuu qabto isu soo baxyo oo ku muujinaayo rabitaankiisa inuu qabto xilka madaxweynaha dalka Ugandha.

Lataliyaha gaarka ah ee Mr Mbabazi, ayaa xaqiijiyay xarigiisa.

Madaxweynaha dalka Ugandha Yuweri Musaveni ayaa muddo hayo xilka madaxtinimo, laakiin Mr Mbabazi ayaa tilmaamay inuu doonaayo inuu Musaveni bedelo.