TOOS U DHAGEYSO:- Ra’iisul Wasaaraha oo sheegay in Shabaab aan Dagaal looga Adkaan karin

0

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake oo ka hadlay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay Ahmiyada Koowaad siineeyso Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya si looga guuleeysto Dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Xukumadda uu Ra’iisul Wasaaraha ka yahay ay diirada saareeyso in Ciidamada kala duwan ee Soomaaliya ay helaan Mushaaraad Fiican si Niyadooda loo wanaajiyo islamarkaana looga guul keeno Dagaalka Dowladda ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale Ra’iisuul Wasaare Sharmaake ayaa intaa ku daray in Al-shabaab aan looga adkaan karin Dagaal,Blase loo baahan yahay in dagaalka lagula jiro lagu lamaaniyo Figrad lagula dagaalamayo.

“Shabaab waxa ay Dhalinyarada ku qaldayaan Waa Figrad,Xukumadda oo kaashaneysa Laamaha Amaanka waxaa ay keeni doontaa Qorsheyaal lagu wiiqo Figrada Shabaab”ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada Qorshe la iskugu dhafayo Ciidamada Maamul Goboleedyada iyo kuwa Dowladda dhexe si loo helo Ciidamo Qaran oo Mideysan.