TOOS U DHAGEYSO:- Dowlada Soomaaliya oo loogu baaqay iney Aqoonsato Madaxweynaha Ahlusunna

0

Sheikh Isxaaq Mursal oo ah Sargaalka Ahlusunnada Koofureed u qaabilsan dhinaca Difaaca ayaa sheegay in Ahlusunnada Gobolada Dhexe ee Madaxweynaha Dhawaan kaga dhawaaqay Dhuusamareeb ay Aqoonsan yihiin Dhinacooda.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Ahlusunnada Gobolada Dhexe ay halgan u soo galeen Difaaca Gobolada Dhexe islamarkaana ay mudan yihiin in ay Hogaamiyaan Dadka Gobolada Dhexe ku nool.

Sidoo kale Sheikh ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay Aqoonsato Madaxweynaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo Ahlusunna ay Madaxweyne u dooratay.

Marka laga soo tago Baaqa Ahlusunadda Koofureed ayaa waxaa uu imaanayaa Xillia Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo Dowladda Dhexe iyo Beesha Caalamkuba ay Aqoonsadeen uu sheegay in uu wada hadal la furayo Ahlusunna.