TOOS U Dhageyso:- Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo isbaarooyin ka qaaday Gobolka Sh/Hoose

0

Howlgal ay Ciidamada Milatariga Soomaaliya ka sameeyeen inta u dhaxeeysa Degmooyinka Afgooye iyo Walaweyn ee isla Gobolka Shabellaha Hoose ayey waxaa ay ku qaadeen Tiro Isbaarooyin ah oo u yiilay Koox Burcad ah.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Gobolka Shabellaha Hoose Guutada Afraad Corneyl Axmed Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga ay ku guuleeysteen in ay Burburiyaan Isbaarooyin Kooxo Burcad ah ay dhigteen Wadada isku Xirta Labada Degmo ee Walaweyn iyo Afgooye,kuwaas oo uu sheegay in Dadka Shacabka ah lagu dhibaateeyn jiray.

Corneyl Axmed Maxamed ayaa intaa ku daray in Ciidamadu ay Gacanta ku hayaan Burcad Isbaaradu ay u tiilay islamarkaana Sharciga la saari doono sida uu yiri.

Taliyaha Ciidamada Milatariga Gobolka Shabellaha Hoose Guutada Afraad Corneyl Axmed Maxamed ayaa sidoo kale sheegay in Dadka isbaarada dhiganaya ay yihiin Shacab ku labisan Dharka Ciidamada Soomaaliya taasna ay la dagaalami doonan.