Dhacdo Xanuun badan oo Saakay ka dhacday Magaalada Muqdisho

0

Waaberigii saakay dhacdo xanuun badan ayaa lagu arkay degmada Hodon ee gobolka Baanadir kadib markii la arkay meydka gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay seddex sano jir.

Meydka gabadha ayaa lagu arkay xaafada African Village ee degmada Hodon ee gobolka Banaadir iyada oo la dhgay gob jiinkad ah oo ku taala xaafada, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in waaberigii saakay ay la kulmeen dhacdada ayna la yabaeen waxyaabaha keenay gabadha sidaasi u yar la dilo.

“Waa gabar yar waa la garan la’yahay meel jiinkad ah ayaa la hoos dhigay, da’deedana waa seddex sano jir, lamana oga cidda dishay,laakiin afka iyo sanka ayay ka dhiigeysay”ayay tiri mid kamid ah dadka degaanka.

Markii dambe meydka gabadha waxaa goobta ka qaaday taliska saldhiga Booliska degada Hodon ee gobolka Banaadir.