Top News+Sawirro: Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowladda Oo Maanta Si Wadajir Ah U Xaqiijinaya Amaanka Muqdisho.

0

Booliska Somaliya iyo Amisom, ayaa waxay si joogto ah ay kaga hawlgalaan wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama. Ciidan feejigan ayaa waxaa lagu arkayaa laga soo bilaabo Isgoyska KM0 ilaa KM4.

Ciidamadan, ayaa waxaa loogu talagalay inay xoojiyan amniga Magaalada Muqdisho, mudada lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadan, loogana hortaggo weerarada ay damacsan yihiin Shabaabka.

Wadooyinka waxaa lagu aryaa Ciidamada oo baaritaano adag marsiinaaya gawaarida gaarka loo lee yahay, waxay kaloo su’aalo weydiinayan wada-yaasha gawaarida. Su’aalaha la weydiinaayo waxaa ka mid ah sida ay arkaan suggida amniga wadooyinka.
“Joogto ayaan u isticmaalaa wadadaan, mana ku qabo wax dhibaato ah. Ammaanka aad ayaa loo adkeeyay. Goor kasta oo aan wadada isticmaalaayo waxaan ku arkaa Amisom iyo Xoogaga Booliska Somaliya, oo si hagaagsan ammaanka u suggaaya.” Ayuu yri C/qaadir Maxamed Toxow.

Qoraal ay soo saartay Amisom, ayaa waxaa lagu sheegay Booliska Dowladda iyo Amisom, inay ka go’an tahay suggida ammaanka Magaalada Muqdisho, lana joogteeyo tallaabada lagu xaqiijinaayo amniga Xarunta Somaliya.

mu mu1 mu2 mu3 mu4 mu5 mu6 mu7 mu8 mu9 mu10