Top News: Gudiga Difaaca Baarlamaanka Oo Wasiirka Difaaca Iyo Taliyaha Xoogga Su’aalo Ka Weydiiyay Shaqadooda.

0

Kulankaan oo Guddiga difaaca barlamaanka Federaalka ay ugu yereen Wasiirka gashan dhiga Mudane Cabdulqaadir Sh,Cali Diini iyo taliyaha ciidanka xooga Gen Daahir Aden Cilmi indha Qarshe si su’allo looga waydiiyo Guud qorsah Difaaca dalka iyo dar-dar galinta howl galadad lagu cirib tirayo maleshiyaadka alshabab.

Su’allihii wasirka iyo Taliyaha Ciidanka xogga ay waydiyeen xubnaha Gudiga Gashan dhiga barlmaanka Soomaliya waxaabka mid ahayd heshisyadda Ay wasaradda gashandhigo la gasho dowladaha shekeeshe , barmaanijka isku dhafka ciidanka xogga dalka halka uu marayo,xisaab xirka miisaniyadd ciidanka xogga dalka oo tafaritan 20 sano ee ugu danbaysay, dhisamha ciidanka badda halka uu marayo, heshiiska ay dalka ku jogaan ciidanka sheekeeye ee sharciga Sofa, mushaarka iyo dar-yeelka ciidanka xogga dalka iyo su’allo kle.

DIINI112

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Barlamaanka ee Soomaaliya xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo Gaban gabdii kulamka hadalka koban ka jeediyey ayaa sheegay in kulanaan uu yahay mid muhiim ah isla markaana xoojinayo wada shaqaynta iyo isla xisaabtanka ka dhexeya Guddiga iyo wasaradda gashan dhiga.

“Guddiga dicaada barlamanaka soomaliya aad ayaan ugu mahad celinayaan Su’alihii ay waydiyen wasiirka gashan dhiga iyo taliyaha ciidanka xooga su’alihii , oo aha runtii qaar badan oo ka turjumaya Dereenka shacabka iyo kan barlamaanka soomaliyeed, taana waxa ay mujinaysaa wada shaqaynta iyo in meel loo wada jeedo, muhimaduna waa in ml looga soo wad jeesto sii loo dhisi lahaa ciidan qaranka oo ka madax banan siyaasada iyo koox gaar ah , taana waxay inoo sahlaysa inan ka maarano kaalmada ciidanka yesheeye an uga bahano” ayuu yire Xuseen Carab Ciise.

Wasiirka gashan dhigga Ee xukumadda Federaalka Soomaaliya S-gaas Cabdulqaadir Sh.cali diini ayaa tilmaamay in ay diyaar u yihin xooginta wado shaqaynta Guddiga isla markaana ay dhiigi galinayso kulamadda Nuucaani oo kale ah.