Top News: Dacwadda Xad-gudubka Kenya ee badda Soomaaliya oo Todobaadka dambe bilaabaneysa.

0

Kulan looga hadlayey Xad-gudubka ay Kenya ku sameyneyso badda Soomaaliya oo ay isugu yimaadeen guddiyada joogtada ah ee Barlamaanka, wasiirro iyo khubarro dhanka badda ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoominayey Afhayeenka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” waxaa sidoo kale ku sugnaa wasiirro iyo dhammaan xubnaha guddiyada joogtada Barlamaanka, iyadoo diiradda dooddu ay aheyd sidii loo amba-qaadi lahaa dacwadda Badda ee ay dowladda Soomaaliya u gudbisay maxkamadda dambiyada Caalamiga ah ee Huge, taas oo ku aaddan in Kenya ay ka harto dhibaatada ay k heysto hadda Soomaaliya.

Khubarrada kulan ka qeyb-galay ayaa sheegay in heerar kala duwan ay soo martay arrinta Muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxa ay sheegeen in xilligaan aysan ku habbooneyn in wada hadal lagala galo Kenya arrintaasi.

Xog-hayaha guud ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, C/kariin Xaaji Cabdi “Buux” ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalinta Isniinta ee Todobaadka soo socda maxkamadda Huge ka bilaabaneyso dacwadda la xiriirta Xadgudubka ay Kenya ka waddo Badda Soomaaliya, isagoo intaa raaciyey in la go’aamiyey in wax wada hadal ah aan lagala galin Kenya Muranka hadda.

Jawaari