Tacsi: Dhamaan Ehelka Marxum Saciid Ibraahim Axmed Nuur Oo U Mahad Naqaya Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Magaalada Palermo Ee Dalka Talyaaniga.

0

Asc wr wb, bacda salaan waxaan shalay oo ay taariikhdu tahey 07/07/2015 soo aasney walaalkeen Saciid Ibraahim Axmed Nuur oo dhawaan ku geeriyoodey Magaalada Palermo ee cariga wadanka talyaaniga, waxaan leenahey ilaahey naxariistiisa guud ha unaxariisto oo janadadiisa weyn ee Fardowza ilaahey hagaliyo, hana kudaro kuwa bisha ramadaan fadligeeda janada ilaahey xisaab la aan ku gala Aamiin Aamiin.

Ehelka Marxuumka waxey si gooniya oo kal iyo laab ah ugu mahadnaqayaan dhamaan walaalaha Jaaliyada magaalada Palermo si gaarana waxey ugu mahadnaqayaan walaalahaan magacyadooda hoos ku qoran yihiin oo xaqiiqatan aad ula dadaaley marxuumka ogaanshihiisa iyo aaskiisaba ilaahey ajar faro badan haka siiyo aamiin aamiin.

1. Cabdi Cabdule Carab

2. Daahir Mohamed hassan

3. Said Ali Faarax

4.Abdirixmaan Isman Dhaha

5. Sahra Maxamed Jamcaale (Cagamadoow)

6.Hido Abdirixmaan

7.Sahra Muuse Xassan 

8.Mahad Dheere

9. Axmed Nuur 

10. Abdulaahi Ali Nuur (Cade)

Walaalayaal waalahaas ilaahey u barya in uu xifdiyo waxa ay ehelka Marxuumka iyo dadka kale ee ku yimaadaba tuseen Islaanimo iyo waliba Soomaalinimo. Aadbaa loogu mahadnaqayaa ilaaheyna hadhowro Aamiin Aamiin