TOOS U DHAGEYSO:- Alshabaab oo weerar xoogan ka geystay gudaha dalka Kenya

0

Kooxu hubeysan oo loo maleynayo iney ka tirsan yihiin Alshabaab ayaa weerar ku qaaday magaalada Mandheere ee dalka Kenya, halkaasi oo 10 ruux dad ku dhow lagu dilay.

Dilka ayaa ka dhacay mid kamid ah xaafadaha magaalada Mandheera ee dalka Kenya guri ku yaalay, waxaana lagu dilay ku dhawaad 10 ruux, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarka ka dhacay magaalada Mandheera ee dalka Kenya, laakiin Alshabaab ayaa marar badan weeraro dad lagu dilay ka geysteen gobolka NFD gaar ahaan magaalada Mandheera.

Dadka la dilay ayaa la sheegayaa iney Kenyan ahaayeen, inkastoo aan wali la xaqiijin waxay kala ahaayeen.

Wararka qaar ee laga helayo dalka Kenya ayaa sheegaya in dadka ay ahaayeen kuwo dhagxaanta ka qoda duleedka magaalada Mandheera ee dalka Kenya, kuwaasi oo ku sugnaa guriga weerarka uu ka dhacay.

Kenya ayaa dhawaan sheegtay iney ka warheleen weeraro Alshabaab qorsheynayaan iney ka geystaan gudaha magaalada Nairobi inta lagu gudo jiro Bisha Ramadaan, laakiin ay ka hortagi doonaan.